Duqa Degmada Gaalkacyo oo la kulmay Xubno ka socda Hay’adda IMC

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan iyo Maamulka Gobalka Mudug oo la kulmay Xubno ka socda Hay’adda IMC (International Medical Corpse).

Kulanka  oo ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Dowladda Hoose ee Gaalkacyo waxaana diirada lagu saaray Caawinta barakacayaasha, dadka baahiyaha gaarkaa qaba iyo hirgelinta Mashaariic cusub.

Maayarka Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa kaga Mahadceliyay Mas’uuliyiinta ka tirsan Hay’adda IMC booqashada ay ku yimaadeen Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ay Gaalkacyo soo gaareen barakacayaal hor leh oo kasoo qaxay deegaano hoostaga Degmada Xarardheere.