Gudoomiya Magaalada Dhuusomareeb oo dhagax dhigay ceel biyood laga hirgelinaayo deegaano hoos yimaado Magaaladaasi.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” oo ay wehliyaan qaar kamid ah wasiirada Galmudug ayaa maanta si wadajir ah kaga dhagax dhigay deegaanka Dabdheere oo udhaxeeya Dudumcade iyo Xamurre, Ceelmatoor laga qodayo deegaankaasi.

Ceelkaan ayaa waxaa qodaya ganacsade Soomaaliyeed oo doonaya in uu deegaanka kusameeyo maalgalin laxariirta beero deegaanka laga hirgaliyo, si bulshada loo fahamsiiyo wax soo saarka deegaanka ugana maarmaan gacmaha shisheeye ee kaalmada laxariirta.

Gudoomiye Geedaqorow ayaa uga mahadceliyay ganacsadaha wada qorshaha ceelkaan lagu qodayo, waxaana uu intaa kudaray in cid walba oo deegaanka doonaysa inay maalgashato inay kamaamul ahaan soo dhawaynayaan si bulshada dhanka hormarka loogu jiheeyo.

Ugu dambayn wasiirada goobta dhagax dhiga ka hadlay oo kala ahaa wasiir ku xigeenka Beeraha, dhirta iyo daaqa, Cali Cali Ganeey iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Maxamed nuur diini ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyay kuna amaanay ganacsadaha sida uu ugu soo dhiiraday maalgashiga deegaanka,uguna yeeray ganacsatada kale inay deegaanka dib ugu soo laabtaan kana faaidaystaan fursadaha banaan ee baahidoodu taagantahay.