Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeybgalay kulan la xiriiray xiriirka Shiinaha iyo Carabta.

afiirka Soomaaliya ee Shiinaha u fadhiya Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa kulan fogaan arag ah  uga qayb galay kaldhigii 9-aad ee dood-wadaaga xiriirka Shiinaha iyo dalalka Carabta.

Dood-wadaagan oo soo abaabushay Wasaaradda Hidaha & Dhaqanka ee dowladda Shiinaha iyo ururka Jaamacadda Carabta waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay dowlaha carabta iyo dowladda Shiinaha.

Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa sheegay in is dhexgalka xadaaraha Carabta iyo Shiinaha ay tahay mid muhiim u ah dhinacyadaasi,isla markaana loo baahan yahay in shucuubka la baro dhaqamada iyo xadaaradaha shucuubta kala duwan si loo helo isfahan dhan walba ah. .

Safiirka Soomaaliya ee Shiinahaayaa si gaar ah uga hadlay xadaaradda iyo ilbaxnimada Shiinaha,wuxuuna tusaale usoo qaatay bad-mareenkii waynaa ee Shiinaha Zheng He ee safar dhanka badda ah ku yimid Soomaaliya bilowgii qarnigii 15-aad.

Safiir Cawaale ayaa ku ammaanay dowladda Shiinaha dadaalka ay ku bixisay isdhexgalka bulshadagaar ahaan dhaqdhaqaaqyada gacansi ee Shiinuhu la leeyahay dalalka kale ee dunida.

source sonna.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya Mr.Lingarde.

Labadaasi mas’uul ataa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.

Kuuriyada Koonfureed oo sheegtay in Pyongyang ay tijaabisay labo gantaal oo ballistic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Arbaca ah laba gantaal oo ballistic ah ku ridday xeebteeda bari, sida ay sheegeen  saraakil ka tirsan  Kuuriyada Koonfureed, maalmo kadib markii Pyongyang ay xaqiijisay in ay ridday gantaal nooca riddada dheer ah.

Waa tijaabadii labaad ee Kuuriyada Waqooyi ay sameysay toddobaadkaan.

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa samaynaya  baaritaan,mana jiraan wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen gantaalladaas ay tuureen Woqooyiga Kuuriya.

R/ wasaaraha Japan Yoshihide Suga ayaa ku tilmaamay tijaabadaasi dhinaca gantaalada ah mid laga caroodo isagoo sheegay inay khatar ku tahay nabadda iyo amniga gobolka.

Tijaabooyinka gantaalaha ballistic -ga ayaa ka hor imanaya qaraarradii Qaramada Midoobay ee loogu talagalay in lagu xakameeyo hawlaha nukliyeerka ee Waqooyiga.

Muddo 14-sano ah Kuuriyada Woqooyi,waxa ay tijaabisay 150-gantaal oo ballistic ah,iyagoo ka duulaya cunaqabateynta caalamiga ah ee ay saareen xulufada uu horkacayo Mareykanka.

La wadaag cid kale

Ra’iisal Wasaaraha XFS oo cambaareeyey Qaraxii argagixisadu la beegsadeen maqaaxi lagu shaaho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyey Qaraxii Argagixisadu ku beegsadeen Maqaaxi shaaha lagu cabo.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii  maanta argagixisada Al-shabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan”.

Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.

Falkan bahalnimada ahi waxaa uu muujinayaa sida argagixisada Al-shabaab  ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada.

Source: Sonna

 

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay danjirayaasha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale ayaa ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha iyo xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan laheed howlahaas lasoo xusay

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowga qabashada doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Beelaha Banaadiriga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballan qaaday Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga in uu ka taageerayo sidii ay howshooda u gudan lahaayeen.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee dowladda Shiinaha “SAWIRRO”

Moqdisho- IlayskaDalka: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee dowladda Shiinaha u soo magacawday Soomaaliya, Mr. Fei Shengchao kaas oo ay kaga wada hadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DALKA SWEDEN

Muqdisho, Sebteembar 14, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Boqortooyada Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.
Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Per Lindgarde oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.
DHAMMAAD

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DALKA SWEDEN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee Boqortooyada Sweden u soo magacawday Soomaaliya Mudane Per Lindgarde.
Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Per Lindgarde oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Lindgarde ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi, is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, maalgashiga, horumarinta iyo arrimaha bulshada.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjiraha Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN CUMAR SULDAAN MAXAMED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ee doorka muuqda kasoo qaatay nabadda, xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka shacabka, gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobollada Waqooyi ee dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waa geeri murugo leh, Suldaanku waxa uu ka mid ahaa hormuudka dhaqanka Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada iyo horumarka Ummadda Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.