Kuuriyada Koonfureed oo sheegtay in Pyongyang ay tijaabisay labo gantaal oo ballistic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Arbaca ah laba gantaal oo ballistic ah ku ridday xeebteeda bari, sida ay sheegeen  saraakil ka tirsan  Kuuriyada Koonfureed, maalmo kadib markii Pyongyang ay xaqiijisay in ay ridday gantaal nooca riddada dheer ah.

Waa tijaabadii labaad ee Kuuriyada Waqooyi ay sameysay toddobaadkaan.

Hay’adaha sirdoonka ee Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa samaynaya  baaritaan,mana jiraan wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen gantaalladaas ay tuureen Woqooyiga Kuuriya.

R/ wasaaraha Japan Yoshihide Suga ayaa ku tilmaamay tijaabadaasi dhinaca gantaalada ah mid laga caroodo isagoo sheegay inay khatar ku tahay nabadda iyo amniga gobolka.

Tijaabooyinka gantaalaha ballistic -ga ayaa ka hor imanaya qaraarradii Qaramada Midoobay ee loogu talagalay in lagu xakameeyo hawlaha nukliyeerka ee Waqooyiga.

Muddo 14-sano ah Kuuriyada Woqooyi,waxa ay tijaabisay 150-gantaal oo ballistic ah,iyagoo ka duulaya cunaqabateynta caalamiga ah ee ay saareen xulufada uu horkacayo Mareykanka.

La wadaag cid kale