Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka

Caafimaadka Hooyada iyo Carruurta ayaa maanta qabtay Munaasabada xuska Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka, Maalintaan ayaa la xusaa Sanad walba 17 ka bisha September waxaana loogu tala galay in kor loogu qaado ogaanshaha bad-qabka bukaanka.

Munaasabadda xuska ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdinaasir Mukhtar Ibarahim iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska Dr Ubax Farax Axmad sidoo kale Hay’adaha Caalimaga UNPA,UNICEF, WHO, Agasimiyasha Isbitaalada guud ,uruka takhaatiirta Carruurta.

Dalkeenuna wuxuu ka mid yahay wadamadda ay dhimashadda hooyadda iyo dhalaanku ku baddan tahay sidaa daraadeed sannadkan waxan diirada ku saarnay xuska maalintaan caalamiga ah badqabka bukaanka hooyada iyo dhallaanka.

Waxaana rabnaa inaan kor u qaadno tayada adeegga Caaafimaadka ee la siiyo hooyada iyo dhallaanka si aynu u yarayno dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ay ka socdaan howlo dib loogu dayactirayo

Safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ka socda dayactir ballaaran oo dib loogu dhisayo safaaradda ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya muwaadiniin Soomaaliyeed iyo shirkadaha Soomaalida ee Kampala ka howl gala qaarkood.

U qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Mudane Uganda Fiidow Maxamuud Fiidow oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in dayacyirkaas hadda meel fiican marayo oo wax weyn laga badalay bilicda safaaradda waxa uuna yiri

“Waxaa safaaradda ka socda dayactir balaaran oo is xilqaan ah oo nuuciisa oo kale aan lagu sameyn 30-kii sano ee ugu dambeeyay, waxaana isxilqaankaas ka qayb qaatay oo gacan ka geystay ilaa hadda 2 shirkadood iyo ashqaas muwaadiniin Soomaaliyeed ah, iyadoo ay jiraan balanqaadyo ah in ay ka qayb qaadan doonaan dayactirka shirkado Soomaali ah qabaha dhiman.

Safaaradda ayaa dhammaan laga badalay muuqaalkeedii hore oo burbur badan ka muuqday iyo dayac, waxaana ka socda sida aad aragtaan shaqo ballaaran oo lagu dhisayo qeybaheeda kala duwan, halka dhismo cusubna lagu soo darayo sida gidaarka safaaradda ku heereesan maadaama markii hore uu ahaa xeendaab silig ah.

Safiir Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhisi lahaa safaaradda qurux badan oo leh bilic soo jiidasho leh oo u qalanta qarankeena in loogu shaqeeyo”

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa la dhisay bilowgii toddobaatameeyadii,iyadoo dhismaha safaaradda ay tahay dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya oo lagu iibiyay hantidii dowladda, mana jirin  dayactir weyn oo safaaradda lagu sameeyay burburkii kadib.

Pakistan iyo Russia oo ka wada hadlay xaaladda Afghanistan.

Hogaamiyeyaasha Pakistan iyo Russia ayaa ka wada hadlay mowqifkooda ku aadan xaaladda dalka Afghanistan, sida lagu sheegay bayaan ka soo kala baxay labada dowladood ka hor shirka iskaashiga Shanghani oo dhici doono todobaadka dambe.

Madaxweyne Vladimir Putin iyo Ra’iisul wasaaraha Pakistani Cimran Khaan ayaa telefoon ku wada hadlay tallaadadii, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

“Wada hadalka wuxuu ku saabsanaa xaaladda Afghanistan iyo sidii mowqif mid ah uga yeelan lahaayeen isla markaana loo heli lahaa waddadii lagu raadin lahaa xasiloonida,” sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Russia.

Sidoo kale, war saxaafadeedka ka soo baxay Pakistan ayaa lagu yiri “Wada tashi iyo wada shaqeyn ku saabsan xaaladda Afghanistan waxaa yeeshey Pakistan iyo Russia iyadoo laga duulayo ahmiyadda dalkaas”.

Waxaa intaas lagu daray in Ra’isul wasaare Khaan uu adkeeyay intii wada hadalka socday in diiradda la saaro nabadda iyo xasiloonida Afghanistan sidoo kalena Pakistan ay ka fileyso bulshada caalamka in ay arrintaas ka shaqeeyaan.

“Ra’isul wasaare Cimran Khan waxaa uu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in bulshada caalamka baaqi ku ahaato xiriirka Afghanistan,” ayuu ku yiri bayaanka.

Khan waxaa uu sidoo kale ku baaqay in gargaar deg deg ah oo bani aadanimo loo diro Afghanistan si looga baaqsado dhaqaale burbur ku yimaadda dalkaas.

isniintii, qaaraan bixiyaasha caalamka waxay ku yabooheen in ka badan hal bilyan oo doolar oo wax looga qaban doono gaajada iyo saboolnimada ka jirta dalkaas ka dib la wareeegitaanka Taliban.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in ka badan 14 milyan oo reer Afghanistan ahi qarka u saaran yihiin macluul haddii aan si deg deg ah looga jawaabin.

Kaydka Federalka ee Maraykanka, Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka, ayaa iyagana sii waday xayiraadda ay ku hayaan hantida Afgaanistaan, tallaabadan ayaa la qaaday kadib markii Taliban ay awoodda kala wareegtay dowladda Afgaanistaan ​​ee la doortay.

Taliska inqilaabay dalka Guinea oo kulan la qaatay Ururada aan Dowliga ahayn

Kornayl Mamadi Doumbouya oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey Inqilaabkii ka dhacay dalka Guinea ayaa xartunta Baarlamaanka dalkaasi kulan kula qaatay wakiilo ka socday Ururada aan dowliga ahayn iyo Diblumaasiyiin shisheeye.

Kulankan ayaa sida la sheegey wuxuu qeyb ka yahay daddaallada dib loogu dhisayo dowlad ku meel gaar ah oo dalkaasi Guinea yeesho.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii sidan oo kale ururka Dhaqaalaha dalalka galbeedka Afrika(ECOWAS) ay kulan ka qaateen Taliska Sare ee Militarayga xukunka la wareegay.

Dhuusamareeb oo laga furay xafiiska Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furey xafiis loogu talagalay fududeynta arrimaha cayaaraha Galmudug, sidoo kale waxaa uu wareejiyay gaari xafiisku yeelan doono.

Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu soo gabogabeeyay tababar u socday 25 garsoore iyo 12 macalin oo xiriirka kubadda cagata Soomaaliya ku bareen casharo la xiriira cayaaraha iyo horumarintooda.

Mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa xiritaanka munaasabadda ka sheegay in garsoorayaasha tababarka ka faa’ideystay ku filnaan doonaan qabashada cayaaraha deegaanada Galmudug.

Dhanka kale, Guddoomiyaha xiriirka kubabadda cagta Galmudug, Xasan Axmed Shire ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in aqoonta dhalinyaradan ay ka heleen tababarka ay wax badan ka badeli doonto isla markaana horumarin doonta cayaaraha.

Ugu dambeyn, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug mudane Axmed Xasan Cali (Axmed Dheere) ayaa garsoorayaasha la tababrey kula dardaarmey in ay aqoontooda sal uga dhigaan in ay u sinnaadaan kooxaha ay u garsoorayaan.

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay gantaalada loo adeegsado tareenada ee W/Kuuriya

Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isugu tagay kulan degdeg ah oo ay albaabadu u xirnaayeen,isla markaana looga hadlaayey tijaabadii ugu dambeysay ee K/Woqooyi ay ku sameysay gantaalada ballistic -ga ah oo loo arko halis weyn sida uu sheegay safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Nicolas de Riviere.

Ka qeybgalayaasha kulankaasi ayaa isku afgartay in la cambaareeyo tijaabooyinkasi oo Kuuriyada Waqooyi ay ku tilmaantay in la bilaabay nidaamka gantaalaha ee loo adeegsado tareenada.

“Tani waxay khatar weyn ku tahay nabadda iyo amniga, waana xadgudub cad oo ka dhan ah go’aannada Golaha,” ayuu yiri” safiirka Faransiiska .

Gantaaladii ugu dambeeyay ee ay ridday Kuuriyada Waqooyi ayaa ah tijaabo cusub oo loo adeegsado ama ay qaadaan tareenada,si looga hortagto awood kasta oo khatar ku ah dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee W/ Kuuriyada.

Gantaaladaasi ay maalinimadii Arbacada ay tijaabiyeen W/Kuuriya ayaa lagu waramay in ay jareen masaafo dhan 8-boqol oo Km, ka hor inta aysan ku dhicin bartilmaameedka badweynta bari ee Kuuriyada Waqooyi .

Dr Dufle oo markale loo doortay Aqalka sare baarlamaanka Soomaliya

Senator Dr Cusmaan Maxamuud Maxamed(Dufle) ayaa markale dib loogu doortay xubnaha maamulka Hir-shabeelle ku metli doonaa kuraasta baarlamaanka ee aqalka sare.

Senator Dr Dufle ayaa waxa kursiga kula tartamay Amb Tarsan oo ah safiirka Soomaliya ee dalka Kenya iyo Raage Xuseen Xuuti, tartan adag ka dib Dr Dufle ayaa difaacday markale kursiga Aqalka sare oo uu hore ugu fadhiyey

Ra’iisul wasaraha XFS oo shir kula yeeshay habka fogaan araga Wasiirka Horumarinta Sweden

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wasiirka horumarinta Sweden Per Olsson Fridh, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

 

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka cusub ee Sweden u fadhiya Soomaaliya oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay wafdi ka socday hay’adda Qaxootiga ee UNHCR.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Cismaan Obokar Dubbe ayaa manta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socday xafiiska hay’adda qaxootiga aduunka UNHCR gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya.

Kulaanka qaabilaadaasi oo ahaa mid  isbasho ah, waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyta Hay’adda iyo Wasaaradda Warfaafinta,iyadoo ay ka qeybgalay wakiilka hay,adda qaxootiga aduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse, Madaxa Hay’adda UNHCR ee Muqdisho Mudane Axmed Ceynte.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Obokar Dubbe  ayaa uga mahadceliyay hay’adda Qaxuutiga aduunka howlaha muhiim ka ah oo ay dalka ka qabato gaar ahaan gargaarka iyo samatabixinta dadka u baahan caawinaada.

Wasiirku, waxaana uu ku booriyay Hey’adda UNHCR inay sii labo jibaaraan howlaha ay ka qabtaan dalka.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane C/laahi Xayir Dcaale iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann oo ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.