Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo ay ka socdaan howlo dib loogu dayactirayo

Safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ka socda dayactir ballaaran oo dib loogu dhisayo safaaradda ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya muwaadiniin Soomaaliyeed iyo shirkadaha Soomaalida ee Kampala ka howl gala qaarkood.

U qeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Mudane Uganda Fiidow Maxamuud Fiidow oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in dayacyirkaas hadda meel fiican marayo oo wax weyn laga badalay bilicda safaaradda waxa uuna yiri

“Waxaa safaaradda ka socda dayactir balaaran oo is xilqaan ah oo nuuciisa oo kale aan lagu sameyn 30-kii sano ee ugu dambeeyay, waxaana isxilqaankaas ka qayb qaatay oo gacan ka geystay ilaa hadda 2 shirkadood iyo ashqaas muwaadiniin Soomaaliyeed ah, iyadoo ay jiraan balanqaadyo ah in ay ka qayb qaadan doonaan dayactirka shirkado Soomaali ah qabaha dhiman.

Safaaradda ayaa dhammaan laga badalay muuqaalkeedii hore oo burbur badan ka muuqday iyo dayac, waxaana ka socda sida aad aragtaan shaqo ballaaran oo lagu dhisayo qeybaheeda kala duwan, halka dhismo cusubna lagu soo darayo sida gidaarka safaaradda ku heereesan maadaama markii hore uu ahaa xeendaab silig ah.

Safiir Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhisi lahaa safaaradda qurux badan oo leh bilic soo jiidasho leh oo u qalanta qarankeena in loogu shaqeeyo”

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa la dhisay bilowgii toddobaatameeyadii,iyadoo dhismaha safaaradda ay tahay dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya oo lagu iibiyay hantidii dowladda, mana jirin  dayactir weyn oo safaaradda lagu sameeyay burburkii kadib.