Wasaaradda Caafimaadka XFS oo xustay Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka

Caafimaadka Hooyada iyo Carruurta ayaa maanta qabtay Munaasabada xuska Maalinta Caalamiga ah ee Bad-qabka Bukaanka, Maalintaan ayaa la xusaa Sanad walba 17 ka bisha September waxaana loogu tala galay in kor loogu qaado ogaanshaha bad-qabka bukaanka.

Munaasabadda xuska ayaa waxaa ka soo qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdinaasir Mukhtar Ibarahim iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska Dr Ubax Farax Axmad sidoo kale Hay’adaha Caalimaga UNPA,UNICEF, WHO, Agasimiyasha Isbitaalada guud ,uruka takhaatiirta Carruurta.

Dalkeenuna wuxuu ka mid yahay wadamadda ay dhimashadda hooyadda iyo dhalaanku ku baddan tahay sidaa daraadeed sannadkan waxan diirada ku saarnay xuska maalintaan caalamiga ah badqabka bukaanka hooyada iyo dhallaanka.

Waxaana rabnaa inaan kor u qaadno tayada adeegga Caaafimaadka ee la siiyo hooyada iyo dhallaanka si aynu u yarayno dhimashada hooyada iyo dhalaanka.