Dhuusamareeb oo laga furay xafiiska Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubbada cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino) ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furey xafiis loogu talagalay fududeynta arrimaha cayaaraha Galmudug, sidoo kale waxaa uu wareejiyay gaari xafiisku yeelan doono.

Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu soo gabogabeeyay tababar u socday 25 garsoore iyo 12 macalin oo xiriirka kubadda cagata Soomaaliya ku bareen casharo la xiriira cayaaraha iyo horumarintooda.

Mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa xiritaanka munaasabadda ka sheegay in garsoorayaasha tababarka ka faa’ideystay ku filnaan doonaan qabashada cayaaraha deegaanada Galmudug.

Dhanka kale, Guddoomiyaha xiriirka kubabadda cagta Galmudug, Xasan Axmed Shire ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in aqoonta dhalinyaradan ay ka heleen tababarka ay wax badan ka badeli doonto isla markaana horumarin doonta cayaaraha.

Ugu dambeyn, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug mudane Axmed Xasan Cali (Axmed Dheere) ayaa garsoorayaasha la tababrey kula dardaarmey in ay aqoontooda sal uga dhigaan in ay u sinnaadaan kooxaha ay u garsoorayaan.