Taliska inqilaabay dalka Guinea oo kulan la qaatay Ururada aan Dowliga ahayn

Kornayl Mamadi Doumbouya oo ahaa sarkaalkii hoggaaminayey Inqilaabkii ka dhacay dalka Guinea ayaa xartunta Baarlamaanka dalkaasi kulan kula qaatay wakiilo ka socday Ururada aan dowliga ahayn iyo Diblumaasiyiin shisheeye.

Kulankan ayaa sida la sheegey wuxuu qeyb ka yahay daddaallada dib loogu dhisayo dowlad ku meel gaar ah oo dalkaasi Guinea yeesho.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii sidan oo kale ururka Dhaqaalaha dalalka galbeedka Afrika(ECOWAS) ay kulan ka qaateen Taliska Sare ee Militarayga xukunka la wareegay.