Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann oo ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.