Ra’iisul wasaraha XFS oo shir kula yeeshay habka fogaan araga Wasiirka Horumarinta Sweden

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa habka fogaan aragga shir kula yeeshay wasiirka horumarinta Sweden Per Olsson Fridh, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

 

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiirka cusub ee Sweden u fadhiya Soomaaliya oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu xafiiskiisa ku qaabilay.