DHOWRISTA DEGAANKA WAA MID LOO BAAHAN YAHAY

Marka la eego sida loogu baahan yahay dhowrista degaanka iyo dhirta waa mid uusan ka maarmin noolaha oo dhan oo ku tiirsan dhirta .

Waxtarka geeduhu waa mid aad u sarreysa marka aan ka soo qaadno sida loogu isticmaalo nolosha adduunka waxaa laga helaa faa’idooyin isugu jira in la harsado oo cadceedda laga harsado, dugsi laga dhigto marka ay dabeylo kacaan.

Meeliba Meesha ay ka geedo badan tahay waa ka nimco iyo barwaaqo badan tahay waxaana laga helaa dhismaha gutyaha laga dhisto , daaqa xoolaha ay daaqaan si cad iyo caano looga helo, miraha laga gurto geedaha laftooda iyo dabka oo laga soo saaro siiba nooca madagta loo yaqaano.

Meeshii geeduhu ku yaallaan oo dhirtu ku badan tahay xilliga xagaayaha iyo roobabka dabaylo kama kacaan, eeliba Meesha ay ka deegaan wanaagsan tahay wey ka nolol wanaagsan tahay.

Dadka reer guuraaga ah waxay ku ootaan guryaha iyo xoolaha si aan dugaagu ugu soo dhicin waxaana harsada dadka, xoolaha iyo duurjoogta waxayna ka helaan nolol wanaagsan.

Xooluhu wey ku naaxaan Meesha degaankeedu marka uu roobsato xooluhu aad ayey ugu cayilaan waxaana laga helaa waxyaabo kale oo lagu nafciyo , xoolihii oo caano iyo subag badan laga helo iyo dadka oo aad ugu noolaada.

Degaanku waa mid aad faa’ido u leh marka la ilaaiyo , dad ayaase jira nabaadguur ku sameeya degaanka taasina ma aha arrin wanaagsan ee waxaa wanaagsan in loo ilaaliyo degaanka sida loo ilaaliyo xoolaha iyo beeraha sababtoo ah haddii aan geedo jirin lama helayo daaq wanaagsan iyo dhul bacrin ah waxaana dhulka ka soo saara macdanta iyo kheyraadka aadka u faraha badan waa geedaha iyo roobka , dhirtaas oo ah mid noocyo fara badan u kala baxda .

Qaar waxaa laga goostaa tiirarka guryaha lagu dhisto, alwaaxda iyo looxaanta kuwa laga sameeyo ,

Xagga magaalada waxay faa’ido u leedahay dugsiga degaanka si aysan dabaylo uga dhicin, xoolaha oo marka ya soo daaqaan lagahelo caano iyo hilib , dhuxusha iyo dhamaan tiirarka lagu dhiso guryaha carshaanta ah.

Xagga miyiga waxay ka helaan marka ay dhirtu barwaaqowdo xoolaha ayaa ku naaxa daaqa , xeryaha ayaa lagu oodaa si aan bahalku u cunin , beeraha ayaa iyagana lagu oodaa si aan duurjoogta iyo xooluhu u cunin.

Tiirarka iyo dhigaha aqalada ayaa la sameeyaa, meyraxdana waa laga diirtaa.

Si kastaba ha noqotee, geeduhu waa kuwa ugu nafciga badana adduunka waxaana dhibaato in dhirta la jaro ama la gubo oo la xaalufiyo degaanka.

Miyi iyo magaalaba waa kuwo aan laga maarmin oo ay si weyn ugu tiirsan tahay nolosha aadanaha waana in la ilaaliyo dhirta maadaama ay leedahay faa’idooyinkaas waaweyn ee aan soo sheegnay.
WQ: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

Guddiga doorashada Hirshabeelle oo ka hadlay cabasho ka timid kursi ka mid ah Aqalka sare

Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay cabasho ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah musharaxiinta ku tartameyasa kursiga Aqalka sare ee sumadiisu tahay UH#07, waxayna sheegeen ineysan jirin cabasho laga keenay qodobo ka mid habraacyada doorashada Aqalka sare oo la jabiyay.

Sidoo kale, guddiga doorashada ayaa axadda dib ugu dhigay doorashada kursiga cabashada ka timid si fursad loogu siiyo in musharaxiinta dib ugu soo laabtaan deegaan doorashadooda.

Qaar ka mid ah Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee metelaadiisu tahay Hirshabelle ayaa lagu wadaa in maanta ay ka qabsoonto magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Mareykanka oo qirtay in duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Kabul ay carruur ku laayeen

Duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen magaalada Kabul bishii hore ayaa lagu dilay ilaa 10 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 7 carruur ah, sida ay sheegeen milatariga Mareykanka Jimcihii, iyagoo raaligelin ka bixiyay wax ay ugu yeereen “khalad naxdin leh”.

Waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in weerarkii 29-kii bishii Agoosto lala beegsaday qof ismiidaamiye ah oo ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo halis weyn ku ahaa ciidammada xulufada Mareykanka ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha markii ay dhammaystirayeen marxaladihii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda Afghanistan.

Laakiin markii ay soo baxeen warar sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay, ayaa Jeneraalka ugu sarreeya Mareykanka wuxuu weerarkaas ku tilmaamay mid xaq ah.

Madaxa Taliska Dhexe ee Maraykanka, General Frank McKenzie, ayaa sheegay in xilligaas uu ku kalsoonaa in duqeyntu ay ka hortagtay khatar ku soo fool leh ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha.

“Baaritaankeennu wuxuu hadda ku soo gabagaboobay in duqeybtaas ay ahayd khalad naxdin leh,” ayuu McKenzie u sheegay wariyeyaasha.

Dilka dadka rayidka ah, oo ay fulisay duqeymaha diyaaradaha aan duuliye lahayn ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan mustaqbalka weerarada la-dagaallanka argagixisada Mareykanka ee dalkaas.

Shiinaha oo ka digay faragelin shisheeye.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka digay faragelinta ciidamada shisheeye ee gobolka, iyada oo Australia ay iska fogeysay cadhada sii kordheysa ee Beijing ,taas oo la xiriirta in dalkaasi uu doonayo in uu helo maraakiibta quuusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka ee Mareykanka.

Khudbad uu Madaxweynuhu ka hor jeediyay Ururka Iskaashiga Shanghai Jimcihii, wuxuu ku boorriyay madaxda dowladaha gobolka inay gabi ahaanba iska caabiyaan xoogagga dibedda oo uu ku tilmaamay in ay wadaan faragalin shisheeye.

Mr. Xi Jinping waxaa uu ballan qaaday in uu difaaci doono sarreynta sharciga hawada sare iyo biyaha badda,gaaar ahaan dhulalka Jasiiradaha ah ee la isku hayo.

Hadalladaan ayaa daba socda  ku dhawaaqistii Mareykanka, Ingiriiska iyo Australia ee ah inay samaystanayaan ​​iskaashi xagga amniga iyo difaaca ah, iyo go’aanka Australia ee ah inay Maraykanka ka iibsanayso maraakiibta quusta ee ku shaqeeya quwadda nukliyeerka.

Mareykanka oo Sheegay in Wadahadalada Vienna ay sii socon doonaan.

Kadib muddo uu  hakad ku jiray wada xaajoodkii Nukliyeerka ee bishii Abriil ee la soo dhaafay ka billowday Vienna una dhexeeya Iiraan, qaar kamid ah waddamada reer Galbeedka iyo waliillo ka socday Maraykanka ayaa la xaqiijiyay in Mareykanka uu doonaya in la sii waddo wadahadallada.

“Waxaan la xiriirnay wakiiladda Dowladda Iiraan ee ku sugan Vienna, wadahadalladanna way sii socon doonaan,” ayay tiri Wakiilka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield, mar ay ka jawaabeysay  su’aal weriyaasha Jimcihii ay weydiyeen.

Wada xaajoodyada Nukliyeerka, ayaa soo bilawday bishii Abriil ee horaantii sanadkan, iyada oo ay jiraan caqabado hortaagan  muddeeynta waqtiga uu qabsoomaya wareegga toddobaad ee wada hadalada Nukliyeerka, inkasta oo Ruushka iyo qaar ka mid ah Waddamada reer Yurub ay gadaal ka riixayaan  in miiska wada hadalada  lagu soo noqdo.

MADAXWEYNE CALI GUUDLAAWE OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRU DOWLIHII WARFAAFINTA HIRSHABEELLE

INNAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.                                                              Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo Shacbiga  Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Warfaafinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle sidoo kalana ahaa Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle Marxuum Maxamed Axmed Faarax Kolombo oo maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowlad Goboleedka iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Barnaamij bulshada loogu baraarujinayay ilaalinta dhismayaasha Danta guud oo lagu soogabagebeeyay Cadaado

Dhismayaasha Maxkamada degmada Cadaado iyo dugsiga sare ee laga dhisaayo magaalada ayaa ka socda Wasaaradda arrimaha Guddaha Galmudug iyo kan degmada Cadaado oo iskaashanaya kuwaas oo gacan kahelaya Midiwga yurub.

Maamulka degmada Cadaado ayaa uqabtay barnamj wacyigalin ah 30 qof oo laga sooxulay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada kuwaas oo kadooday qodobada kala ah wadashaqeynta bulshada iyo maamulka degmada Cadaado, lahaanshaha mashruuca, Maamul wanwanaaga, wacyigalinta bulshada ee mashruuca, iyo mas’uuliyada guddiga dabagalka mashruuca, sida gacan loogu siiheynlahaa mashruucyadan waxaana isla goobta looga dhawaaqay guddi 7 xubnood ka kooban oo lasocindoona dhameystirka iyo jiritaanka dhismayaasha.

Maxamuud Maxamed Wardheere oo kamid ah xubnaha looxulay dabagalka dhameystirka iyo jiritanka mashruucyadan iyo Sahro Cadaawe oo ah Guddoomiyaha haweenka Degmada Cadaado ayaa balanqaaday ineysan dayacmin dhismayaashan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdulahi Cabdiraxmaan “Tootoole” ayaa sooxiray barnamijkan waxuuna ugu baaqay bulshada magaalada Cadaado iney ilashadaan Dhismayaasha danta guud kana faa’ideysatan.

Madaxda Galmudug oo deeq xoolo nool ah gaarsiiyay taliska ururka 6-aad

Maamulka taliska ururka 6-aad ee fadhigoodu yahay Gobolka Gaalgaduud ayaa manta la wareegay deeq xoolo nool ah oo ay soo gaarsiiyeen madaxda Galmudug.

Deeqdaan xoolaha ah ayaa qeyb ka ah dhiiri-galinta Ciidamada GorGor ee ka howlgala deegaanada hoostaga Gobolka Gaalgaduud iyo Mudug.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Badqabka Bukaanada oo laga xusay Soomaaliya

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka K/Galbeed, howlwadeenada caafimadka iyo marti sharaf kale, ayaa ka qeybgaley xaflad ka dhacday Magaalada Beydhabo oo lagu maamuusaayey Xuska maalinta caalamiga ah ee badqabka Bukaanka.

Xafladdaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka K/Galbeed,waxaa ka hadlay Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cissman Cabdi Muuse oo ka warbixiyay muhiimada Wasaaradda Caafimaadka ay u leedahay xuska maalinta badqabka bukaanka .

Agaasimaha Waaxada Caafimaadka qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Naciima Axmed Cadow iyo Qaar kamid ah xubnaha Kashqeeya daryeelka Hooyada iyo Dhalaanka ayaasidoo kale  Ka hadlay xaaladda bukaanada iyo sida loo daryeelo.

Munaasabadaasi ka dib qaar Kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska, waxay Booqasho kutageen Isbitaalka Guud ee Gobolka baay ayagoona U kuurgaley Badqabka Bukaanada isbitaalka Kujira .

Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada oo soo saaray war-murtiyeed ku aadan xaaladda Soomaaliya.

Moqdisho- IlayskaDalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa xalay yeeshay kulan dhina isgaarsiinta ah oo looga hadlaayey xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),waxa ay war murtiyeedkaan ku sheegeen sida ay uga cun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya,kaas oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro, amni xumo iyo dib u dhac ku yimaada dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:-

  1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.
  3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.
  4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.
  5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.
  6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.
  7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.