Argagixisada Al-Shabaab oo bur buriyay garoonka diyaaradaha Buula-burde

Ururka aragaxisada Al-shabaab ayaa Qaraxyo miino ah ku xiray garoonka diyaaradaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaaro kala duwan ay qaraxyada geysteen.

Qaraxyada oo lagu xiray dhisme cusub looguna talagalay dadka ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka inay sii maraan ayaa gabi ahaanba dhulka lagu daray.

Guddoomiyaha degmada Buula-burde Axmed Mahad Nuur ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in shan qof ay ku dhaawacmay Qaraxyo ay Al-Shabaab ku xireen dhisme ku yaalo Garoonka diyaaradaha degmada, kuwaas oo dhaawacooda loo soo qaadayo Muqdisho.

Doorashada kuraasta ka harsan Aqalka sare oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Qaar ka mid ah kuraasta hartay ee doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matali doono Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa la filayaa in maanta lagu qabto magaalaa Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Dardar gelinta Doorashada Seddex kursi ee ka harsan xildhaanada Aqalka Sare ku ayaa si aad ah kaga socota magaalada, iyadoo laamaha amniga si feejigan u sugayaan amniga doorashada iyo guud ahaan magaalada.

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in doorashadu ay sii soconeyso, islamarkaana ka shaqeynayaan in  si hufan oo xalaal ah ku dhacdo.

Inta badan maamul Goboleedyadda dalka ayaa soo saaray xildhibaanadii aqalka sare ku matali lahaa maamaladooda taas oo ka dhigan in uu dhawaan soo dhamaan doonto doorashada Xildhibaanada Aqalka Saree ee baarlamaanka dalka.

Ra’iisal wasaare Rooble oo guddoomiyey shirka tiirka dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha oo Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS.

Lafta-gareen” Waxaa naga go’an ilaalinta qoondada haweenka”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa guddiga ay kala hadleen  xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee golayaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay xoojin doonaan qoondada haweenka, islamarkaana hadda Aqalka Sare ay kusoo baxeen labo xubnood oo dumar ah, markii golaha Shacabka ay bilaabaana ay ilaalin doonaan qoondada.

Waxaa uu xusay in maamulkisa ay ka go’antahay in haweenka ay kusoo baxaan doorashooyinka ayna ilaalin doonaan hanaan hufan oo haweenka ay kusoo bixi karaan.

Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka kooban 13 xubnood ayaa dhawaan waxaa Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna  hadda waddaan dadaallo ay  maamulada uga dhaadhicinayaan in ay ilaaliyaan qoondada Haweenka Soomaaliyeed.

MEHRADAHA GANACSIGA DUMARKA OO DOORKOODU MUUQDO

warshadaha laga dareemay hoos u dhac weyn covid19 saaameentiisu ayaa nasiib daradu waxaa ku habsatay badiyaa dalalka horumaray oo waxsoo saarkooda dunidu kasiman tahay waxaana haatan wali kasii jira cudurkaasi meeelo badan oo qaarada dunida kamid ihi wuxuu si weyn ugu dhuftay Mareykanka Soddonkii sano ee u danbeysey ayaa waxaa indhaha laga qaaday mehrado, carwooyin iyo saylado haweenku kaalin wax ku ool ah ay ka qaateen howlahaa ganacsiga kala duwan ee dalka ka jira.

bari samaadkii marna lama arki jirin dukaama waa weyn oo haweenku kaalin ay kaga jireen howlaha ganacsiga marka laga reebo caanaha iyo qudaarta laakiin haatan waxaa soo if baxay mehrado iyo carwooyin dumarku ay ka yihiin hormuud islamarkaana dhexdoodu uu ka jiro tartan dhanka hormarinta alaabooyinka iyo dharka ay iibiyaan .

walow ay kala hormarsan yihiin mehradaha ay dumarku ku ganacsadaan oo kala heer ah ayaa hadan ku xiran tahay socod siinta ganacsigaas waji furnaan iyo macaamiil wacan oo lala yeesho dadkaasi u soo dukaameysi tagay meheradaha ganacsiga .

Suuqqa Bakaaraha oo noqday suuqa ugu weyn koonfurta somalia ayaa dumarku halkaasi ay ku leeyihiin mehrado dharka iyo  maacuunta lagu iibiyo waxaa soo raaca dumarka ka ganacsada dahabka qaarna ay lawareegaan dahabka oo gacmahooda ku raran .

sanadahaan danbe ayaa haweenku laaceen ayaga oo ragga latartamaya qaarkood ayaa dahab u qaada ilaa dalka hindiya halka qaarkalena ay ka ganacsan jireen shiinaha iyo Imaaraadka carabta waxaa hakad galay ganacsigaasi kolkiii dunida ekeeyey caabuqa corona waxaana arintani ay keentay guud ahaan hoos u dhac balaaran oo ku ymid dhaqaalaha dunida oo uu kamid yahay wax isdhaafsiga alaabada iyo badeecooyinka ganacsiga ,

, Ingriiska, Shiinaha, Austrialia, India, Japan, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Haddaba, in kastoo haatan laga soo kabanaayo hanibaada isku socodka wadamada dunida ayaa hadana walicaabuqu la ildaran yihiin dad badan Tuusaale NAIROBIA iyo GAARISA uuhaatan mar labaad laba kacleen ku sameeyey coronovirus waxaana laga yaabaa in wadama badan ay soo gudbiyaan haddii aan laga taxa darin waana midda isdhaafsiga ganacsiga hoos u dhac ku keenay guud ahaan qaarada afrika .

in kastoo ganacsiga soomalia uu yahay mid baarid ah ama qabow  taasoo ah dhaq dhaqaaqa iibsiga macaamiisha oo yaraaday ama gaabis ah dhinaca kale waxaa jira tartan xad dhaaf ah oo mehradaha ganacsiga waratada iyo miisleyda oo jidka hareeraheeda si xad dhaaf ah oga ganacada waana mid ku cusub in ladago jidka dadka mara ee hareeraha marsha biyeedka oo sodonkaasi sano caadi kaniqotay.

WQ: Ibraahim fanax

GANACSIGA KU DHISAN ISKAASHIGA IYO SAAMIYADA EE SOOMAALIDA

Tan iyo markii dalka ay ka dhaceen dagaaladu dalka somaaliya ee ay burburtay dowladdii dhexe waxaa dalka aad uga hirgalay ganacasi ku dhisan iskaaashi iyo in ay dadku koox koox wax isugu darsadaan taas oo suurtagalisay in ay soo baxaan ganacsoyo iyo shirkado qaarkood aad u koreen oo aflaxay .

Ganacsigan oo ah nooca saamileyda oo qofku saami ku darsanayo ganacsi ama shirkad ayaa sidoo kale suurtagaliyey in qofku marka uu xoogaa lacag ah dad ku darsado loogu shaqeyn karo isagana uu ka helo biil bil walba u soo dhaca taas oo qoysas badan ka furatay dhibaatada shaqo la’aantii jirtay.

Ganacasigan iskaashi oo aad dalka ugu baahay ayaa inta badan waxaa lagu tiriyaa in uu ka soo banbaxay markii ugu horreysay shirkado yar yar oo badankoodu ku yaallay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya .

Shirkado fara badan oo sidaas ku sameysmay itaalkooduna aad u yaraa ayaa maanta gaaray heer wanaagsan oo ay dalka wax badan ku soo kordhin karaan.

Haatan dadka soomaalida ah ha joogeen dalka gudihiisa iyo dibediida waxay awood u yeesheen in ay wax ku darsan karaan saamiyada shirkadaha waaweyn oo dalka ka jira taas oo aad u xoojisay niyadda iyo rajada dadka soomaaliyeed ee qaarkood laga yaabo in ay ku adkaan laheyd in ay sameystaan ganacasiyo ay keligood wadaan.

Tani waxay ka soo jeedaa oo saldhig u ah soomaalida oo aad u taqaana hannaanka wax isku darsiga siiba dhaqaalaha oo weli la heli karo hannaan kan saamiga ka yara sahlan oo loo yaqaano hagbadda ama ayuutada kaas oo inta ku wada jirtaa ay sameystaan shuruuc ay ku wada dhaqmaan oo ay wax isugu darsadaan .

Hannaankan oo qof waliba mar uu qaatao ayaa in go’an oo dhaqaale ah uu qof waliba bixiyaa haddii ay tahay bi lama toddobaad wuxuuna qofku lacagahaa kaga faa;ideysan karaa baahiyaha degdega ah ee soo wajaha iyo culeysyada soo foodsaara.

Hannaankan saamileyda iyo wax ku darsiga ganacsiyada iyo shirkadaha ayaa kor u qaaday dhaqaalaha guud ahaan iyo kan qoysaska iyadoo ay soo baxeen ganacsiyo iyo shirkado waxgal ah oo sidaas ku sameysmay.

WQ: Mohamed Hassan

 

FAA’IIDO NOOCEE AH AYUU INOO LEEYAHAY MOOSKA.

Dalka Soomaaliya waa dal uu Alle (SWT)  ku manaystay nicmooyin badan oo nolosha Soomaaliya badan ay ku tiirsan yihiin.

Waxaad arkaysaa dhaqaalaha Soomaaliya in uu ku salaysan yahay ama ku tiirsan yahay waxyaabo farabadan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu ilaahay siiyay wadanka soomaaliya sida Xoolaha, Dhulbeereedka, Xeeb laga kalluumaysan karo iyo nimcooyinka dhulka ku aasan ee aan laga faa’iidaysan wali Sida: Birta, Dahabka, Uraniumka, Saliidda Shidaalka, iyo waxyaabo farabadan oo aan la soo koobi karin,

kuwaas ay ka mid yihiin dhul bilicsan oo dalxiiska ku wanaagsan sida dhulbaraha adduunka ee mara ee loo yaqaan EQUATERKA  ama Raas-kambooni meeshaas oo ah meel ay adduunkoo idil u soo dalxiis tagi karaan.

Sidoo kale, dhaqaalaha soomaaliya waxa uu ku salaysan yahay ama ku tiirsan yahay waxyaabo fara badan, ayadoo ay ugu horayso nimcooyinka uu ilaahay siiyay wadanka soomaaliya.

Dhanka beeraha, Soomaaliya waa dal ku wanaagsan beerashada,waxaana ka baxa intabadan miraha adduunka ku yaala sida Mooska la cuno.

Muusku wuxuu ka mid yahay miraha dalkeena Soomaaliya sida aadka ah uga baxa wuxuuna faa’iido badan u lee yahay caafimaadka ruuxa Aadamiga ah.

Beeralayda Soomaalida ayaa Mooska  u iibgeeya Dalka dibaddiisa ka dib marka umadda Soomaaliyeed ay ka helaan qidmad ku filan nolol malmeedkooda.

hadaba mooska maxaa faa’iido ay ugu leedahay nolasheena iyo caafimaad ahaan.

Mooska wuxuu ka mid yahay khudaarta ugu badan ee dalkeena laga helo, isla markaana qiimo ahaan ugu jaban.

Haddii aad ogaato faa’iidooyinka caafimaad ee mooska, waxaa hubaal ah inay isbeddeli doonto habka aad u aragto.

Cunidda moosku waxay kordhiyaa tayada faya-qab iyo caafimaad ee aadanaha Moosku waxa uu lee yahay tamar waxaana laga helaa maadada Potassium ka oo faa’iido weyn u leh caafimaadka.

Sdioo kale mooska waxaa ku jiro borotiin loo yaqaano “Tryptophan” oo maskaxda firfircooni siiso .

Waxaaba sidoo kale mooska waxaa laga helaa macdanno kala duwan sida fitamiinada B6, C, macdanta magnesium, copper, protein iyo dufan.

Mooska wuxuu dhisaa awoodda qofka. Cilmi-baaris ayaa xaqiijisay in 2 xabo oo muus ah inay ku siinayaan awood u dhiganta 90 daqiiqo oo shaqo adag ah.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in muusku uu yahay khudaarta kaalinta 1aad ugu jirta orod-yahannada ugu caansan adduunka.

Moosku wuxuu wax ka taraa inuu dhaqaajiyo caloosha, adigoo aan u baahan daawooyinka caloosha lagu socodsiiyo.

sidoo kale mooska waxa uu daawo u yahay  cudurrada ku dhaca dheef-shiidka maadaama uu jilcan yahay.

Moosku  wuxuu wax ka qabtaa aashitada ku badata caloosha, wuxuuna hoos u dhigaa xanuunka ku yimaada caloosha.

WQ:Abdinaasir Yuusuf Aadan

Wasiirkii gaashaandhiga Holand oo is casishay

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Holland Ank Bijleveld, ayaa is casishay ka dib markii koox Afgaanistaan ay kasoo daad-gurayn rabtay qabsadeen kooxda Taaliban,waxa sidoo kale hore isu casilay Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Holand ka dib markii aqalka hoose ee baarlamaanka uu ku dhaliilay dowladda sida ay u maareysay daad-gureynta Qaxoontiga Afghanistan.

Wasiirad Bijleveld, ayaa iyadana lagu cambaareeyay dib -u -dhac ku yimid daad -gureynta dadka rayidka ah ee Afghanistan,iyadoo intaa ka dib warbaahinta ka sheegtay is casilaadeeda iyadoo xustay inay u gudbin doonto Boqorka dalka.

is casilaada ayaa timid ka dib markii Baarlamaanka dalkaasi meel mariyey mooshin cambaarayn ah oo ka dhan ah Dowladdu sida ay u maaraysay daad-guraynta.

XANUUNNADA DHIMIRKA KU DHACA OO SII KORDHAYA

Gabi ahan Soomaaliya waxa ku soo badanayo dadka maskaxiyan u xanuunsan, Xanuunkaas oo si fudud ku bilowda ka dibna u gudba in uu qofku galo xaalad dhimir xanuun ah iyo  waalasho!

Xanuunka maskaxda ku dhaca waxay u kala baxan mid fudud sida xanuunka nafisiga iyo depression ka iwm ah iyo xanuun ka culus oo shaqadi maskaxda dhib badan u geysanayo.

Xanuunka dhimirka ku dhaca wuxu ku bilowda si fudud tusale: hurdo la’aan, fekeer waqti dheer qata ama soo noq noqda, dhibato kugu dhacday oo aad xalin weyday ka dibna qof kula xaliya aad weyday, social mediayaha raad reeb ka so raca, caabuq ku dhaca maskaxda, cunto xumo, lacag la’aan, dhibato qoyska ka jirta iyo iwm.

Badana dadku waxay yaqanaan xanuunnada ku dhaca jirka intisa kale oo ey u tagaan dhakhtar dabiiba laakiin xanuunada maskaxda ku dhaca badana bulshadu qeybtood ma fahansana waxana loo bahan yahay in laga wacyi galiyo intii la awoodo, Marar badan waxad arkeysa qof magalkisa ku jira oo xanuunsan isla markaasna aan iska warqabin ila xanuunka u heer sare la gaaro markasna eey adag tahay in la daweeyo.

Bulshada isticmasha social mediyaha qeybtood ma fahansana in qof jacayl isku dilay ama arrimo kale hadey arkaan waxay bilabayaan iney ku madeystaan kana raadiyan comments iyo waxyalo aan cawineyn in xanuunkas laga hortago ama keni karta bukanka xanuunsan in xanuunki kusi fogaado!

Ma ficna in lagu madeysto bukanka qaba xanuunada maskaxda ku dhaca  ee kuso badanayo wadankeena iyo adduunka odhan.
Berri ayay adey ku qabsan karta ka dibna qaabka dadka ula dhaqmi jirtay ba lagula dhaqmi, ila uu xanuunkada  kasii daro waa haddaadan maanta ka hortagin ama caawin xanuunnada maskaxda ku dhaca.

Takhaatiir bartay maadada Psychology iyo Psychiatric waxa fiican iney cawimaad la garaan bulshada ku dhibateysan meelaha qeylada ka soo yeereyso oo eysan isku koobin magalooyinka waa weyn.

Waxa kaloo wacan in wacyi galin loo sameeyo bulshada noocyadeeda kala duwan.

Social media/ baraha bulshada waxanu u isticmaali karna dhinaca fiican oo ah inaan cawimaad siino keena xanuunsan iyo inaanan dhibaato u geysan keena cafimadka qaba.

Waxa kaloo Social media/ baraha bulshada u isticmaali karnaa inaan ka wacyi galino bulshada sidey u fahmaan waxyaalaha keena xanuunnada dhimirka, sida looga hortago iyo sida loo daweeyoba.

Farriin/Digniin: Fadlan dhibaato ha u geeysan qofna inta aad isticmaaleyso baraha bulshada/ Social media. Marar badan waxa dhacda dhacdooyin majajilo ah oo ka qoslin kara isla markasna qof kale dhibaato u geysan kara.

Ka fogoow wixi walaalka ama qof kale dhib u keeni kara, Fadlan Qof aadan aqoon/ qof aad taqanno fariin/comment dhib u keeni kara ha u reebin ama ha u qorin.

Qaabkee uga hortagi karta xanuunnada maskaxda ku dhaca: waxa ka firin karta Google-ka ama Articles-ka laga qoray moowduucaan.

WQ: Cabdisalaan Maxamed

 

 

GEEDKA KA MAREERKA OO DAWO U AH JADEECADA.

Waxaa jira lix cudur oo dilaa ah waxaana ka mid ah jadeecada oo badiyaaba ku dhacda carruurta, waxaana lagu gartaa xummad ama qandho daran oo qabata carruurta, hammiga cuntada ayuuna cannugu lumiyaa waxaana ka luma dhadhanka cuntada.

Jadeecada ayaa dhibaato ku keenta haddii aan laga hortagin waxaana laga qaadi karaa indho beel. Inkastoo ay jiraan dawooyin loo isticmaalo dhanka dhaqaatiirta caafimaadka hadana waxaa la ogaaday geedka mareerka in uu yahay kan ku habboon on lagula tacaalo bukaanka ay jadeecadu haleeshay.

Ogow laamaha mareerka ayaa la diiraa , diirka laamaha ayaa lagu qasaa baaldi biyo ah habeenkii, kolka waagu baryo ayaa loogu  qubeeyaa ruuxa qaba cudurka jadeecada waana la cabsiiyaa in yar oo ka mid ah biyahaa.

Marka saddex maalmood sidaa la yeelo waa hubaal in ay ka soo baxdo gudaha laguna arko finan jirka ilmaha .

Waxaa ka jabta qandhada ilmihii yaraa ayaa lagu arkaa in uu kaco iskana ciyaaro halka markii hore uu jiifayey oo keliya.

Soomaalida waxay muddo fog isticmaali jireen dawo dhireedn sida kuwa lagu qaras baxo , diglow , carmal iyo raqay .Waxaa kale oo jiray adeegsiga gaar ah ee malmalka , xabbatul sowda , xildiid , liin dhanaan , diinsi , xulbo ,toon iyo malabka .

Hadaba waa sidoo kale geedka mareerka ee ha moogaan oo tijaabi waa mid la mahadiyo.

Ma ogtahay in daawada laga sameeyo dhirta oo la wershadeeyo sida burgaandada oo dacarta laga sameeyo.Waxaa jira ilaa immika dad aqoon wacan u leh dawo dhireedka oo xitaa lagu arko mehrado yar oo u furan.

Ka soo qaad malabka waxaa uu dawo u yahay afar cudur haddii maid asli ah oo aan wax kale lagu barxin waxaa hubaal ah marka aad farta darto oo aad muudsato in aad ka bogsooneyso cuduro isku ogeyn xitaa.

Sidaa darteed ha moogaanin xabatul sowda , malabka ,toonta iyo liin dhanaanta  , ogowna geedka mareerka in uu kaalin weyn ka qaato daweynta jadeecada.

WQ: Ibraahim Fanax