Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee doorashada oo kulan la qaatay ururada haweenka Gaalkacyo

Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka doorashada 30% ayaa kulan looga hadlayay xaqiijinta qoondada haweenka  kula qaatay Magaalada Gaalkacyo ururada haweenka Gaalkacyo iyadoona kulanka ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid haweenka gobalka mudug loogu wacyi galinayay in ay doorkooda ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ayaa waxaa maanta gudiga xaqiijinta qoondada haweenka ee heer qaran waxa ay kulan kula qaateen xubnaha ururada haweenka gobalka mudug .

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay xubno kamid ah gudiga oo ay ugu horreeyeen guddoomiye ku xigeenka gudiga Marwo Caasho Geelle Diiriye iyo Guddoomiyaha Gudiga Batuulo sheekh axmed gaballe kuwaas oo ku booriyay haweenka inay u istaagaan sidii ay u heli lahaayeen qoondada 30% .

Isku duwaha Wasaaradda haweenka Gobalka Iudug Drs yurub Cabdulqaadir Sheekh Cali iyo qaar ka mida xubnaha ururka haweenka dagmada Gaalkacyo oo,  bogaadiyay kulanka ayaa sheegay in ay u istaagi doonaann sidii loo xaqiijin lahaa in haweenku ay ka helaan qoondada ay ku leeyihiin 11 kursi oo doorashadooda ka dhici doonto Gaalkacyo .

Ugu danbeyntii wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xusay in ka maamul ahaan ay xoogga saari doonaan xaqiijinta qoondada haweenka.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo shaaciyay goorta Maxkamadda ICJ, ay rideyso xukunkii Badda

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey goorta ay maxkamadda ICJ rideyso xukunka badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka gelisay.

“Alxamdulillaah,Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed qoraalkiisa ku yiri.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Safiirka UK ee Soomaaliya

-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu

Kulanka dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta ka furmay Magaalada Jowhar

Kulanka Bandhigga iyo baahinta warbixinta dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta ka furmay magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulanka ayaa lagu soo bandigay warbixinta  dib-u-eegista dastuurka oo soo koobaysa guulihii laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, caqabadihii lala kulmay iyo sidii looga gudbi lahaa. Sidoo kale, warbixinta ayaa soo jeedinaysa xulashooyinka ku saabsan arrimaha ubaahan wada xaajoodka siyaasadeed sida Awood Wadaagga, Maqaamka Caasimadda, Hannaanka Caddaalada iyo Asluubta, Maamulka Maaliyadda Dowladd, khayraad wadaagga iyo Amniga.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda Jowhar, waxa uuna socon doonaa muddo saddexda Maalin  ah.

Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug oo kulan aqoon isweydaarsi ah u soo xirtay Shaqalaha Wasaaradda”

Wasaarada Arimaha gudaha  ee dowalad goboleedka Galamuga ayaa  maanta kulan aqoon isweydaarsi ah Magaalada dhuusamareeb ugu  soo xiratay shaqaale isugu jira kuwa Wasaaradda iyo xubno ka socday golleyaasha deegaanka ee degmooyinka qaar ee katirsan Maamulka Galmudug.

Kulanka  ayaa ku saabsanaa kor u qaadida awooda aqooneed ee shaqaalaha Wasaaradda arimaha Guddaha Galmudug ee hannaanka adeeg bixinta, ilaalinta xuquuqda caruurta iyo ka qayb_galka caruurta ee maamulka deegaanka, waxaana xiritaanka  Aqoon isweydarsigan oo socday mudo afar maalmood ah qayb ka ahaa fal tusayaal ay shaqaaluhu ku muujiyeen fahamkooda  aqooneed  howlwadenada Wasaaradda

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha  Galmudug warsame Faarax Cabdi oo shaqalaahan ku booriyay ka soo dhalaalida howsha looga fadhiyo ee ah dhaqan galinta waxa la barey ayaa sidoo kale sheegay in casharadan muhiim u ahaayeen dadaajinta dowladnimada iyo in fahamkeeda laga soo bilaabo caruurnimada, iyadoo la adeegsanayo goobaha waxbarashada

Habraaca Saxda ah ee Doorshada Aqalka Sare ee BFS (Somaliland).

Habraaca Saxda ah ee Doorshada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  (Somaliland).

Senator Xasan Koboc oo lagu doortay Jowhar

Senator Xasan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa ku guuleystey doorasho goordhow ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xasan Koboc ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur Ibraahim uu helay codad gaaraya 22 cod.

Senator Xassan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa noqonaya Senatarkii 6-aad ee lagu doorto magaalada Jowhar intii ay socotay Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa dhiman labo kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooryo Hirshabelle sida ku xusan bayaankii ay horay u soo sareen Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle.

source: Sonna

LIXDA CUDUR EE DILAAGA AH

Waxaa jira lix cudur oo dilaa ah waxaana ka mid ah jadeecada oo badiyaaba ku dhacda carruurta, waxaana lagu gartaa xummad ama qandho daran oo qabata carruurta, hammiga cuntada ayuuna cannugu lumiyaa waxaana ka luma dhadhanka cuntada.

Jadeecada ayaa dhibaato ku keenta haddii aan laga hortagin waxaana laga qaadi karaa indho beel.

Inkastoo ay jiraan dawooyin loo isticmaalo dhanka dhaqaatiirta caafimaadka hadana waxaa la ogaaday geedka mareerka in uu yahay kan ku habboon on lagula tacaalo bukaanka ay jadeecadu haleeshay.

Ogow laamaha mareerka ayaa la diiraa , diirka laamaha ayaa lagu qasaa baaldi biyo ah habeenkii, kolka waagu baryo ayaa loogu qubeeyaa ruuxa qaba cudurka jadeecada waana la cabsiiyaa in yar oo ka mid ah biyahaa.

Marka saddex maalmood sidaa la yeelo waa hubaal in ay ka soo baxdo gudaha laguna arko finan jirka ilmaha .

Waxaa ka jabta qandhada ilmihii yaraa ayaa lagu arkaa in uu kaco iskana ciyaaro halka markii hore uu jiifayey oo keliya.

Soomaalida waxay muddo fog isticmaali jireen dawo dhireedn sida kuwa lagu qaras baxo , diglow , carmal iyo raqay.

Waxaa kale oo jiray adeegsiga gaar ah ee malmalka , xabbatul sowda , xildiid , liin dhanaan , diinsi , xulbo ,toon iyo malabka .

Hadaba waa sidoo kale geedka mareerka ee ha moogaan oo tijaabi waa mid la mahadiyo.

Ma ogtahay in daawada laga sameeyo dhirta oo la wershadeeyo sida burgaandada oo dacarta laga sameeyo.

Waxaa jira ilaa immika dad aqoon wacan u leh dawo dhireedka oo xitaa lagu arko mehrado yar oo u furan.

Ka soo qaad malabka waxaa uu dawo u yahay afar cudur haddii maid asli ah oo aan wax kale lagu barxin waxaa hubaal ah marka aad farta darto oo aad muudsato in aad ka bogsooneyso cuduro isku ogeyn xitaa.

Sidaa darteed ha moogaanin xabatul sowda , malabka ,toonta iyo liin dhanaanta , ogowna geedka mareerka in uu kaalin weyn ka qaato daweynta jadeecada. WQ: Ibraahim Fanax

Tayada Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug oo kor loo qaadayo

Wasaraddaha Caafimaadka Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo kaashanaya hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa magaalada Dhuusamareeb tababar ku saabsan maareynta iyo daaweynta xaaladaha nafaqo darada ee ilmaha ka yar shanta sano ugu soo gaba-gabeeyay tiro ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha nafaqada ee Galmudug, kuwaas oo mudo afar maalmood ah qaadanayay tababarkan.

Maxamed cali xiireey, Madaxa Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sharaxey ujeedka tababarka loo qabtay shaqaalahan Caafimaad.

Madaxa xogta iyo khiimeynta, qaybta nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Aadan Maxamed Nuur oo dhankii ka hadley faa’iidada tababarkan u yeelanayo shaqalaha Caafimaad ayaa sheegay in markii labaad Galmudug lagu qabtay si loo dhaqan galiyo hab-raacyada u dagsan Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo xiray tababarka ayaa shaqaalaha caafimaadka Galmudug kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan Bulshada.

Lafta-gareen iyo Safiirka Itoobiya oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka madaxtooyadda ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb: Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo safiirka Itoobiya ayaa ka wada hadlay Kulanka Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.