Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo shaaciyay goorta Maxkamadda ICJ, ay rideyso xukunkii Badda

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey goorta ay maxkamadda ICJ rideyso xukunka badda Soomaaliya ee Kenya ay muranka gelisay.

“Alxamdulillaah,Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,” ayuu Mahdi Guuleed qoraalkiisa ku yiri.