Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee doorashada oo kulan la qaatay ururada haweenka Gaalkacyo

Guddiga xaqiijinta Qoondada Haweenka doorashada 30% ayaa kulan looga hadlayay xaqiijinta qoondada haweenka  kula qaatay Magaalada Gaalkacyo ururada haweenka Gaalkacyo iyadoona kulanka ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Kulanka oo ahaa mid haweenka gobalka mudug loogu wacyi galinayay in ay doorkooda ka qaataan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ayaa waxaa maanta gudiga xaqiijinta qoondada haweenka ee heer qaran waxa ay kulan kula qaateen xubnaha ururada haweenka gobalka mudug .

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay xubno kamid ah gudiga oo ay ugu horreeyeen guddoomiye ku xigeenka gudiga Marwo Caasho Geelle Diiriye iyo Guddoomiyaha Gudiga Batuulo sheekh axmed gaballe kuwaas oo ku booriyay haweenka inay u istaagaan sidii ay u heli lahaayeen qoondada 30% .

Isku duwaha Wasaaradda haweenka Gobalka Iudug Drs yurub Cabdulqaadir Sheekh Cali iyo qaar ka mida xubnaha ururka haweenka dagmada Gaalkacyo oo,  bogaadiyay kulanka ayaa sheegay in ay u istaagi doonaann sidii loo xaqiijin lahaa in haweenku ay ka helaan qoondada ay ku leeyihiin 11 kursi oo doorashadooda ka dhici doonto Gaalkacyo .

Ugu danbeyntii wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xusay in ka maamul ahaan ay xoogga saari doonaan xaqiijinta qoondada haweenka.