Senator Xasan Koboc oo lagu doortay Jowhar

Senator Xasan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa ku guuleystey doorasho goordhow ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xasan Koboc ayaa waxa uu helay codad gaaraya 69 cod, halka uu musharaxii la tartamayay Cabdinuur Ibraahim uu helay codad gaaraya 22 cod.

Senator Xassan Iidow Muxumad (Koboc) ayaa noqonaya Senatarkii 6-aad ee lagu doorto magaalada Jowhar intii ay socotay Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Waxaa dhiman labo kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooryo Hirshabelle sida ku xusan bayaankii ay horay u soo sareen Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle.

source: Sonna