Kulanka dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta ka furmay Magaalada Jowhar

Kulanka Bandhigga iyo baahinta warbixinta dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta ka furmay magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kulanka ayaa lagu soo bandigay warbixinta  dib-u-eegista dastuurka oo soo koobaysa guulihii laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, caqabadihii lala kulmay iyo sidii looga gudbi lahaa. Sidoo kale, warbixinta ayaa soo jeedinaysa xulashooyinka ku saabsan arrimaha ubaahan wada xaajoodka siyaasadeed sida Awood Wadaagga, Maqaamka Caasimadda, Hannaanka Caddaalada iyo Asluubta, Maamulka Maaliyadda Dowladd, khayraad wadaagga iyo Amniga.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda Jowhar, waxa uuna socon doonaa muddo saddexda Maalin  ah.