Tayada Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug oo kor loo qaadayo

Wasaraddaha Caafimaadka Galmudug iyo Dowladda Federaalka oo kaashanaya hey’adda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa magaalada Dhuusamareeb tababar ku saabsan maareynta iyo daaweynta xaaladaha nafaqo darada ee ilmaha ka yar shanta sano ugu soo gaba-gabeeyay tiro ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha nafaqada ee Galmudug, kuwaas oo mudo afar maalmood ah qaadanayay tababarkan.

Maxamed cali xiireey, Madaxa Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sharaxey ujeedka tababarka loo qabtay shaqaalahan Caafimaad.

Madaxa xogta iyo khiimeynta, qaybta nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Aadan Maxamed Nuur oo dhankii ka hadley faa’iidada tababarkan u yeelanayo shaqalaha Caafimaad ayaa sheegay in markii labaad Galmudug lagu qabtay si loo dhaqan galiyo hab-raacyada u dagsan Wasaaradda Caafimaadka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo xiray tababarka ayaa shaqaalaha caafimaadka Galmudug kula dardaarmay in ay si hufan ugu shaqeeyaan Bulshada.