Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug oo kulan aqoon isweydaarsi ah u soo xirtay Shaqalaha Wasaaradda”

Wasaarada Arimaha gudaha  ee dowalad goboleedka Galamuga ayaa  maanta kulan aqoon isweydaarsi ah Magaalada dhuusamareeb ugu  soo xiratay shaqaale isugu jira kuwa Wasaaradda iyo xubno ka socday golleyaasha deegaanka ee degmooyinka qaar ee katirsan Maamulka Galmudug.

Kulanka  ayaa ku saabsanaa kor u qaadida awooda aqooneed ee shaqaalaha Wasaaradda arimaha Guddaha Galmudug ee hannaanka adeeg bixinta, ilaalinta xuquuqda caruurta iyo ka qayb_galka caruurta ee maamulka deegaanka, waxaana xiritaanka  Aqoon isweydarsigan oo socday mudo afar maalmood ah qayb ka ahaa fal tusayaal ay shaqaaluhu ku muujiyeen fahamkooda  aqooneed  howlwadenada Wasaaradda

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha  Galmudug warsame Faarax Cabdi oo shaqalaahan ku booriyay ka soo dhalaalida howsha looga fadhiyo ee ah dhaqan galinta waxa la barey ayaa sidoo kale sheegay in casharadan muhiim u ahaayeen dadaajinta dowladnimada iyo in fahamkeeda laga soo bilaabo caruurnimada, iyadoo la adeegsanayo goobaha waxbarashada