Ra’iisul Wasaare Rooble oo liiska musharaxiinta Gobollada Woqooyi ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee iyo Ra’iisul Wasaareku xigeenka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

 

Caalamka oo manta loogu dabbaaldegay xuska Maalinta Nabadda

Sanad walba maanta oo kale 21-ka Sebtember, waxaa caalamka laga xusaa munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda ka dib markii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ay ku dhawaaqday in maalintaasi ay tahay maalin u baahan xoojinta fikradaha kala duwan ee ka hadlaya nabadda.

Ujeedada maalinta caalamiga ah ee nabadda ayaa ah in la dhiirigeliyo hal abuurka iyo fikirka dadka iyo sidii qof walba looga caawin lahaa soo kabsada,adkeysiga iyo sidii dunida loogu baddali lahaa mid Ilaalisa caddaaladda iyo sinnaanta.

Iyadoo la tixraacayo codsigii Xoghayaha Guud , Golaha Ammaanku waxay si wada jir ah u meel mariyey qaraar ku baaqaya Dowladaha Xubnaha ka ah inay taageeraan “hakadda ,isla markaana la joojiyo cuqdadda, takoorka, iyo nacaybka .

Waa muhiin in la helo xabbad joojin loo adeegsado colaadaha maxalliga ah, si loo hubiyo in dadka ay helaan marinno nabdoon oo ay ku gaari karaan Goobaha caafimaadka iyo meelaha kale ee ay u baahan yihiin.

Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda waxaa la aasaasay 1981 hasa yeeshee,Labaatan sano ka dib sannadkii 2001, Golaha Guud ayaa si wadajir ah ugu codeeyay in Maalinta loo asteeyo inay tahay xilli aysan jirin rabshado oo la fuliyo hab xabbad joojin ah.

Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka Suudan

Xukuumadda Dalka Suudan ayaa xaqiijisay inuu Fashilmay isku day inqilaab oo Saaka ka dhacay dalkaas.

Warbaahinta Qaranka Sudan ayaa warkan baahisay iyadoo haba yaraatee ka bixin wax faahfaahin oo dheeri ah.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan looga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa Amaanka Hawada Soomaaliya

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Kulan ay soo wada agaasimeen Madaxda Sare ee Hay’adda Duulista Rayidka (HDRS) iyo Shirkadda VALAR ayaa ka qabsoomay xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’dda, Axmed macalin Axmed.

Kulankan oo looga hadlayay sidii loogu horumarin laha Amaanka Hawada Soomaaliya (DEVELOPMENT OF THE NATIONAL CIVIL AVIATION SECURITY) aya labada dhinac si wada jir ah uga doodeen sidii Amaanka hawada Soomaaliya loo sii xoojin lahaa.

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa waxay wadaa dadaalo lagu hormarinayo Hawada Dalkeenna Soomaaliya sidii ay u noqon lahayd mid amnigeeda sareeyo waana mida keentay in maanta laga hadlo Amniga hawada Soomaaliya.

Dhismaha wasaaradda Qorsheynta ee DFS oo loogu magac-daray AUN Xuseen Ceelaabe Faahiye

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS oo ay wehliyaan Xildhibaano, Senatarro ayaa maanta ku dhawaaqay in dhismaha Daarta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay ku shaqeyneyso loogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa halyeey Wasaaradda waxweyn ka soo qabtay in badana ka soo shaqeynayay.

Munaasabadaan Ceelaabe loogu Magacdarayay daartaan ayaa waxaa goobjoog ahaa qaraabadda MarxuumKA, Senatarro iyo Xildhibaano katirsan dowlada

Maxamed Xuseen Hadi oo lataliye u ah Madaxweynaha JFS qaraabana ay ahaayeen Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in dhismahaan maanta loogu Magacdaro Marxuum Xuseen Ceelaabe.

“Anaga oo ah qaraabada AUN Xuseen Ceelaahe aad ayaan ugu faraxsanahay in daartaan loogu magacdaro qofkasta oo dalka ka soo shaqeeyay ayna taariikhadu ay xusi doonto xumaan iyo wanaag wixii uu sameeyay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Haadi.

Senatarro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada fadraalka Soomaaliya ayaa sheegay in talaabadaan ay dhiiri galineyso dadka nool ee dalka sida hagar la’aanta ah ugu shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa sharaxay sababta dhismaha Wasaaradaan looogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye Ceelaabe, isagoo sheegay inay u arkeen inuu yahay qofka ugu mudan mansabkaan.

Wasaaradda caafimaadka oo soo saartay habraac cusub soona jeedisay in dalka la geliyo Bandow

Wasaaradda caasimadka ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraaca xakameynta cudurka COVID-19, kaas oo faraya mujtamaca Soomaaliyeed, dadka safraya, iyo kuwa u soo safraya Soomaaliya, dhaqangelinta nidaamka caalimaga ah ee ka hortaga iyo xakameynta cudurka COVID-19.

Habraacaan oo ka kooban 17 qodob waxaa qeyb ka ah qodob dowladda federaalka iyo doolad goboleedyada ay wasaaraddu ugu soo jeedisay inay soo rogaan bandaw xiliga habeenkii ah, si loo xakameeyo cudurkan Coronavirus.

Sidoo kale dhamaan dadka waxaa loogu baaqay inay yareeyaan kulamada, afka xirtaan, is-talaalaan, una hoggaansamaan amarrada wasaaradda caafimaadka.

Hoos ka akhriso habraaca cusub ee COVID-19

 

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay masuuliyadda Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM)

Wargeyska Ilayska Dalka- Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo bogaadiyay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed dadaalka ay kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM.

Waa guul taariikhi ah in maanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qaramada Midoobay dib ugala soo wareegto masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM). Heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’adda FAO ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo shaaciyey xiliga lagu dhawaaqayo Xukunka Dacwada Badda Soomaliya

Xukunka dacwada muranka Badda ee dhexaysay Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa si rasmi ah ay ugu dhawaaqi doontaa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ 12-ka October  2021 sida uu xaqiijiyey Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

fariin kooban oo uu ku baahiyey bartiisa warfaafinta ayuu ku sheegay Ra’iisul wasaare-xigeenku iyadoo u qornad sidan, “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021,”

Wasiirka waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Safiirka midowga Yurub u jooga Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Wasiirka ayaa la wadaagay safiirka guulaha laga gaaray dadaalada horumarinta Waxbarashada oo ay wadaan Wasaaradda Waxbarashada, Bahwadaagta Waxbarashada iyo sida ay Wasaaradda uga go’an tahay inay xaqiijiso baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh, loona dhan yahay.

Safiirka ayaa dhankeeda uga mahad celisay wasiirka iyo guud ahaan Wasaaradda guulaha ay gaareen, kuna boorrisay inay sii labo jibbaaraan, waxayna sheegtay in Midowga Yurub uu xoogga saari doono xoojinta tayada waxbarashada iyo farsamada gacanta si loo horumariyo bulshada loona kobciyo dhaqaalaha dalka.

Wasiirka warfaafinta XFS oo kulan la qaatay Safiirka dalka Shiinaha u jooga Soomaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cusmaan Abokar Dubbe ayaa maanta wada -hadallo miro -dhal ah la yeeshay Danjiraha cusub ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, H.E Fei Shengchao, kulanka oo ka dhacay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Wadahadalka ayaa diiradda lagu saaray isbarasho dhex martay Kooxaha Wasaaradda iyo Safaaradda, kor u qaadista iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjiraha Shiinaha, Fei Shengchao wuxuu caddeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu wadahadal miro dhal ah la yeesho Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo kooxdiisaba, isagoo xusay inuu isku dayi doono sida ugu wanaagsan ee kor loogu qaadayo xiriirka taariikhiga ah iyo midka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.