Daalibaan oo codsatay ka qaybgalka shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Ururka ay soo gaartay warqad ka timid kooxda Daalibaan, oo uu ku saxiixan yahay ninka ay kooxdaas u magacawday wasiirka arrimaha dibadda.

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Khan Mottaki, ayaa codsaday ka qeybgalka kal fadhiga 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si uu ula hadalo hoggaamiyayaasha adduunka ee ka qeyb galaya Shirka.

Ku xigeenka Xog-hayaha Warfaafinta u qaabilsan kooxda Daalibaan, Zabihullah Mujahid, ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay aqoonsadaan waxa uu ku sheegay dowladda cusub ee ay dhawaan dhiseen, ayna ula macaamilaan si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Daalibaan, ayaa sidoo kale magaalada Kabul kula kulmay Danjiraha Dowladda Qatar Saciid Mubaarak Al-Khayariin, waxayna ka wada hadleen arrimo khuseeya mustaqbalka xaaladda Afghanistan.

Ugu danbeeyntii Khan Mottaki ayaa ammaanay dadaalka iyo wada shaqaynta Dooxa, gaar ahaan dib u hawlgelinta Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Saraakiil loo xiray Afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Sudaan

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Maxamed Al-Faki Suleymaan ayaa xaqiijiyey in inta badan Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigii la fashiliyey gacanta lagu hayo, marka laga reebo Sargaalkii hoggaaminayey isku-dayga Afgembiga.

Cutub ka tirsan Ciiddanka Gawaarida Gaashaaman ee Taangiyada ayaana ku lug lahaa Afgembigii la fashiliyey.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil taabacsan Madaxweynihii hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir, ka dambeeyeen Isku-dayga ay ku doonayeen inay kula wareegaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee Suudaan.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Suudaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay Saraakiisha ku fashilmeen inay qabsadaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee ku yaalla magaalladda Umudurmaan ee mataanka la ah Caasimada dalkaasi ee Khartuum.

Ciiddan ku hubeysanaa Gawaarida gashaaman ayaa xilli kooban xiray Buundada Webiga Cad ee isku xira Khartuum iyo Troops, halkaasi oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciiddanka Gaashaman.

Waddanka Suudaan waxaa horay uga dhacay Tobaneeyo Afgembi Milliteri oo kii ugu dambeeyey xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir bishii April ee sanadkii 2019-kii.

Taliska Booliska Gobalka Bari oo kulan ka yeeshay Amniga Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan looga hadlayay amniga la qaatay Taliyeyaaasha Saldhigyada iyo Gudoomiyaasha u xil saaran Amaanka Xaafadaha Bosaaso si loo dardargaliyo amniga magaalada iyo isku xirka Booliska iyo bulshada xafadaha ay ka koobantahay magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaasha Xafadaha Bosaaso ayaa Taliska Booliska ku Amaanay wada shaqeynta Buuxda iyo isku xiritaan markii ay u baahdaan laamaha amaanka si ay uga jawabaan cabashooyinka ka yimaada xafadaha ay xukumaan.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa u mahadceliyay Bulshada Boosaaso kuna amaanay sida ay ugu xiran yihiin laamaha amaanka Gobalka Bari isagoona ugu baaqay in intaas ay ka badiyaan oo ay soo sheegaan kuwa geysanaya falalka amni darro si ay gacan bir ah ugu qabtaan Booliska.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey meertada 76-aad ee golaha guud ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa kaga hadlay Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, Xakamaynta iyo ka soo kabashada cudurka COVID-19, Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay, Ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammaystirka geeddi-socodka doorashooyinka Qaran ee ka socda dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka miro-dhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorasho xor ah oo loo wada dhan yahay.

“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dadaallada wax-ku-oolka ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen xakamaynta Cudurka safmarka ah ee COVID-19, ka-soo-kabashada saameynta dhaqaale ee uu reebay iyo sidii dhammaan shacabka Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa tallaalka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan idinla wadaago in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si degdeg ah uga jawaabtay Cudurkan Safmarkan ee u soo tallaabay dalkayaga. Qorsheyaashayadu waa kuwo mudnaanta koowaad siinaya badqabka caafimaad ee muwaadiniinteenna.”

Madaxweynaha oo khudbaddiisa diiradda ku saaray dardar gelinta iyo dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maamul ee Qarama Midoobay, khatarta ku gadaaman isbeddellada cimilada adduunka iyo ilaalinta deegaanka, ayaa hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si wadajir ah looga jawaabo caqabadaha khatarta ku ah dunnida.

Jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey

Guddiga doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, taas oo lagu wado inay bilaabato maalinta Khamiista ah ee 23-ka bishaan, sida ku cad jadwalka.

23-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo socota waxaa la diiwaan gelinayaa musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland, waxayna diiwaan gelintu socaneysaa ilaa maalinka Sabtida ah ee 25-ka bishan.

Axadda 26-ka Septembar waxaa tababar loo furayaa ergada soo dooraneysa senatorrada Aqalka Sare ee gobollada waqooyi, halka maalinka xiga ee 27-ka la dhageysan doono hadal jeedinta musharaxiinta.

Maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan ayaa loo qorsheeyey inay bilaabato doorashada Aqalka Sare ee xubnaha matelaya Somaliland, waxayna ku egtahay 30-ka bishaan September.

Seddax maalmood oo kala ah, 28-ka, 29-ka iyo 30-ka bishaan ayey Muqdisho ka dhaceysaa doorashada 11-ka kursi ee Somaliland ku metesha golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda

Kampala- Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Uganda Mudane Jacob L. Oulanyah, iyagoo ka wada hadlay xariirka labada dal gaar ahaan labada Baarlamaan iyo sidii iskaashi loo sameyn lahaa labada dhinac.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya, isagoo sheegay in xariir wanaagsan oo labada dal u dhaxeeyo uu jiro gaar ahaan labada baarlamaan oo dowladda Uganda marar badan tababaro u sameysay baarlamaanada maamul goboleedyada dalkeena Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jacob L. Oulanyah, ayaa sheegay in Soomaaliya uu tagay sanadkii 2007-dii markaas uu Soomaaliya ka soo bixiyay tababar ku saabsanayaa dowladda wanaagga.

Gudoomiyaha ayaa sheegay shacabka Soomaaliya iyo kan Uganda uu leeyahay xariir soo jireen ah oo labada dhinac ah, iyadoo shacabka u dhaxeyn wax kala duwanaan ah oo hal meel kawa adeegtaan hal meelna wax ka wada cunaan.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Uganda ay mar walba diyaar u tahay in ay garab istaagto dowladda Soomaaliya.

Safiir Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ), ayaa dhankiisa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo horumarka uu ku talaabsaday muddooyinkii ugu dambeeyay iyo doorashooyinka ka socda dalkeena Soomaaliya.

Danjire Cagabaruur ayaa uga mahadnaqay sida Dowladda Uganda ay u martigalisay jaaliyadda ugu badan ee ku nool dalkan Uganda iyagoo dareemayn in ay joogaan qorbe, ayna yihiin ganacsato, arday, dad deegaan ah iyo qaxooti,  ganacsataduna ay yihiin kuwa aad uga muuqda gudaha Uganda ayna yihiin kuwo leh shirkadaha ugu waa wayn ee Uganda.

Safiir Cagabaruur ayaa ugu gudoomiyaha baarlamaanka Uganda ugu hambelyeeyay guusha uu ka gaaray doorashii dib loogu soo doortay, isagoo Danjiruhu ku martiqaaday gudoomiyaha in uu booqdo dalkeena Soomaaliya si uu u soo arko horumarka dalkeena, dhankiisa Gudoomiyahana uu aqbalay in Soomaaliya booqdo.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha Baarlamaamka ayaa guddoonsiiyay safiirka Soomaaliya ee Uganda hadiyado sharafeed, isagoo kulanka ku soo idlaaday is afgarad.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleed Koonfur galbeed Soomaaliya

Baydhabo- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa goordhow u magacaabay Mudane Aadan mukhtaar suuriye xeer ilaaliyaha duud ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo guddoomiyey shirka guddiga maamul wanaaga ee maaliyadda (FGC)

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka billaha ah ee guddiga maamul wanaagga Maaliyadda oo maanta looga dooday sii wadida iyo horumarinta maamulka maaliyadda dad weynaha.

War qoraal ah oo uu soo saaray wasiir Beyle ayaa uu ku yiri “ Maanta waxa aan shir Gudoomiyay kulankii Billaha ahaa ee Guddiga Maamul Wanaagga Maaliyadda (FGC) oo aan uga doodnay sii wadidda iyo Horumarinta Maamulka Maaliyadda Dad-Weynaha”

Wasiirka oo u mahadceliyey hey’addaha dowladda ee shirka ka soo qeybgalay ayaa sheegay inay ka go’an tahay ku dhaqanka hufnaan, dowlad wanag, isla xisaabtan iyo daahfurnaan.

“Hanaanka dib-uhabeynta Maaliyadda ee hada ka socda dalkeena waxa aan hoosta ka wada xariiqnay in ay naga go’an tahay ku dhaqanka ‘hufnaan, Dowlad-Wanaag, isla-Xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wasiirka maaliyadda ee XFS.

 

Wasiirka Gaashaandhigga oo Muqdisho shir uga furay guddi ka soo shaqeynaya ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigaan ayaa si wadajir ah uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ay ula wareegi leheed Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in guddigaan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saabsan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii wasiirku waxaa uu sheegay in guddigaan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Source: Sonna

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY SAFIIRRADA DALALKA NIGERIA IYO INDONESIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Nigeria Mudane Yusuf Yunusa iyo Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria Mudane Yusuf Yunusa oo Madaxweynaha soo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Muhammadu Buhari ayaa sheegay in uu dadaal muuqda gelin doono xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Yusuf ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ee dhibaatada ku haya labada shacab ee Soomaaliya iyo Nigeria.

Dhankiisa, Danjiraha Cusub ee Jamhuuriyadda Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Joko Widodo ayaa bogaadiyey horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Indonesia Dr. Mohamad Hery Saripudin ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Soomaaliya iskaashi miradhal ah oo ku dhisan is-qaddarin, horumar iyo wax wada-qabsi.

DHAMMAAD