Saraakiil loo xiray Afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Sudaan

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Maxamed Al-Faki Suleymaan ayaa xaqiijiyey in inta badan Saraakiishii ku lugta lahaa Afgembigii la fashiliyey gacanta lagu hayo, marka laga reebo Sargaalkii hoggaaminayey isku-dayga Afgembiga.

Cutub ka tirsan Ciiddanka Gawaarida Gaashaaman ee Taangiyada ayaana ku lug lahaa Afgembigii la fashiliyey.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Saraakiil taabacsan Madaxweynihii hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir, ka dambeeyeen Isku-dayga ay ku doonayeen inay kula wareegaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee Suudaan.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Dowladda Suudaan oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP ayaa sheegay inay Saraakiisha ku fashilmeen inay qabsadaan Xarumaha Warbaahinta Qaranka ee ku yaalla magaalladda Umudurmaan ee mataanka la ah Caasimada dalkaasi ee Khartuum.

Ciiddan ku hubeysanaa Gawaarida gashaaman ayaa xilli kooban xiray Buundada Webiga Cad ee isku xira Khartuum iyo Troops, halkaasi oo ay ku yaallaan Xarumaha Ciiddanka Gaashaman.

Waddanka Suudaan waxaa horay uga dhacay Tobaneeyo Afgembi Milliteri oo kii ugu dambeeyey xilka looga tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaasi, General Cumar Xasan Albashiir bishii April ee sanadkii 2019-kii.