Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Balanballe oo tababar loo furay

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tababar socon doona muddo 5 maalin ah uga furtay Degmada Balanballe shaqaalaha Dowladda Hoose ee Balanballe.

Tababarkaan muddada uu socdo waxaa lagu baran doonaa Maamulka iyo maaraynta Xafiiska Dowladda Hoose.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka duulaysa waajibaadkeeda ku aadan tayeynta awoodaha maamul ee dowladaha Hoose ayaa maalmahan ku howlan tababaro kor loogu qaadayo aqoonta iyo Tayada shaqaalaha Dowladaha Hoose ee Degmada Balanballe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoominayay kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir guddoomiyey shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Arrimaha Amniga, Xakamaynta Cudurka COVID-19 iyo Dardargelinta Qorshayaasha loogu adeegayo Shacabka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada ka qeybgalay Shirka, kuwaasi oo uu ka dhageystay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19, isagoo kula dardaarmay inay joogteeyaan Wacyigelinta Bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo daahfuray shirka xiriirinta dedaallada dowladaha

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug ahna kusimaha madaxwrynaha mudane Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daah furay shirka xiriirinta dedaalada dowladaha hoose ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galaya maamullada degmoyinka uu ka shaqeeyo mashruuca horumarinta ee JPLG oo kala ah Hobyo,Caabudwaaq, Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Dhuusamareeb.

Ujeeddada shirkan ayaa sidoo kale lagu gorfeynayaa isku xirka degmoyinka Galmudug  ee dhaqaala ahaan soo koraya, si dhowaan loo gaaro isku filnaan maamul, lana xoojiyo la dagaallanka musuqa si kobaca dhaqaale ee lagaaray usii socdo.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, Axmed Xasan Cali “Axmed dheere” ayaa sheegay in wasaaraddu ay dadajineyso dhismaha golayaasha degaanka ee degmooyinka dhiman, taas oo meel fiican marayso.

Wuxuu sheegay Wasiiru dowluhu in looga baahan yahay degmoyinka inay baahiyahooda lasoo wadaagaan si ay wasaarada iyo degmooyinku kaga wada shaqeeyaan xallinta caqabadaha haysta degmooyinka, si loo helo dowlad hoose oo horumarsan

Galmudug oo sheegtay inay waddo qorshe looga maarmayo isticmaalka Dhuxusha

Agaasinaha guud ee Wasaarada degaanka isbeddalka cimillada iyo horumarinta reer miyiga ee dowlad gobaleedka Galmudug, Xuseen Axmed Maxamuud ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay waddo dedaallo looga maarmi karo isticmaalka dhuxusha.

Agaasimaha oo ka hadlayay kulan ay wasaaraddu soo qaban-qaabisay kuna saabsanaa ka hortagga xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga dhuxusha oo lagu qabtay koofurta Gaalkacyo ayaa intaa ku daray in la samayn doono wacyigelinno ku aaddan adeegsiga aaladaha kale ee wax lagu karsado, si looga maarmo Dhuxusha.

Guddoomiyaha Gobalka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal ayaa  sheegay in xaalufin badan lagu hayo degaanka, loona baahan yahay in laga wada qeyb qaato ka hortagga xaalufka

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday xubno ajaanib ah oo ka tirsan Kooxda Argagixisadda ee Al-shabaab, labada Argagixiye ayaa u kala dhashay dalalka ingiriiska iyo Malaysia, Darren Anthony Byrness iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa Soomaliya yimid sanadihii 2009 iyo 2010 si ay xoog iyo xeelad ba ugu biiriyaan Kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab.

Darren Anthony Byrness,wuxuu qayb ka ahaa Weerar kooxda Al-shabaab qorsheeyeen inay ka fuliyaan dalka Faransiiska isagoo qorshaha qaybta uu ku lahaa ay ahayd inuu kireeyo guriga ay degayaan kooxda weerarka fulinaysaa, Anthony Byrness ayaa heya’addaha Amniga u sheegay in kooxda Al-shabaab guryo qarsoodi ah ku leeyihiin dalalka kala ah Kenya,Burundi, Senegal,Uganda iyo dalal kale oo ku yaal galbeedka iyo bartamaha Afrika, Anthony Byrness wuxuu sidoo kale Al-shabaab ka caawin jiray sugista xoggaha kooxda ee guddaha iyo dibedda isagoo ka caawin jiray Barnaamujyadda xogta lagu ilaaliyo ee “Software”, wuxuu sidoo kale ka qayb qaatay Dagaaladii ka dhacay Muqdisho,Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid waxa uu dhankiisa ka caawin jiray Argagixisadda Adeega Gurmadka deg dega ah,wuxuu ka qayb galay dagaallo Muqdisho iyo Dhuusamareeb ka dhacay.

Axmed Mustaqiim iyo Darren Anthony 18-kii bishii April 2019 ayey u gacan galeen maamulka Punland iyadoo dhowr  bil ka dib labada Ajaanibta ah loo soo gacan geliyey dowladda dhexe Soomaaliya,fadhiyo kala duwan ka dib Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun ka soo saartay maanta iyadoo Axmed Mustaqiim iyo Darren Anthony Maxkamaddu ku kala xukuntay midkiiba 15 sano oo xabsi Ciidan ah,sida uu ku dhawaaqay gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuuto Gudoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan rafcaan.

Wasiir ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Indonesia u jooga Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa kulan la qaatay Danjiraha cusub ee dawladda Indonesia ay u soo magacowday Soomaaliya Amb. Dr. Mohamad Hery Saripudin oo ay ka wada-hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal.

Wasiirka iyo Safiirka waxay sidoo kale ka wada-hadleen kor-u-qaadista, fududeynta iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga maadaama dalka Indonesia uu ka mid yahay wadamada ugu horreeya ee ay Soomaaliya wax-u-dhoofiso sidoo kale na aynnu muddo dheer la lahayn xidhiidh soo jireen ah oo la xidhiidha dhinacyada Ganacsiga.

Mareykanka iyo Faransiiska oo ka hadlay xalka khilaaf cusub oo u dhaxeeya.

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa dadaal u galay sidii loo soo afjari lahaa khilaaf soo billowday todobaadkii hore,ka dib markii dalalka Mareykanka,Ingiriiska iyo Australiya ay ku dhawaaqeen heshiis difaac oo khuseeya dalalkaasi.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray,ka dib kolkii maalinimadii shalay ay ku wada sheekeysteen khadka taleefanka.

Joe Biden iyo Emmanuel Macron ayaa la filayaa in dhammaadka bisha soo socota ay ku kulmaan Yurub.

Faransiiska ayaa ka carooday heshiis dhexmaray dalalka Mareykanka,Ingiriiska iyo Australia ,kaas oo la xiriira in lacago gaaray $ 37-bilyan oo doolar dalka Australia loogu dhiso gujisyada mara baddaha hoostooda ee ku shaqeeya quwadda Niyuklerka.

 

RW Rooble iyo madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka shiray doorashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shir ay habka fogaan aragga caawa ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal oo shirka qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo Xarigga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan Baari, oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdi khadar Maxamed Xasan ayaa Xariga ka jaray Xarunta Maxkamadda Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamadda Boondheere Maxamed Aadan Cismaan Ayaa ku shaqeyn doona Xarunta Maxkamadda Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maxkamadda Gobalka Banaadir mudadii uu joogay Maxkamadda Racfaanka waxuu dib u furay Maxkamadda Degmada Shibis, Maxkamadda Degmada Kaxda iyo Maxkamada Degmada Boondheere.

Wasiiradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kuwait oo kawada hadlay xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamaiga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, kaasi oo ay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu haboon oo loo sii xoojin karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo sidoo kale iskaashiga sidii loo hormarin lahaa dano wanaaga dhinacyada ganacsiga.

“Waxaan isla qaadanay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay ariintaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulanka ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kalfahdiga 67 -Aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.