Maxkamadda ICJ oo shaacisay xilliga ay ku dhawaaqeyso natiijada dacwadda Baddeena

Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka  ICJ ayaa soo saartay qoraal lagu cadeeynayo waqtiga rasmiga ah ee go’aanka kama dambeysta ay ka soo saari doonaan kiiska dacwadda Baddeena  ee Kenya nagu heesato.

Warqad kasoo baxday Maxkamadda ayaa waxaa lagu sheegay in ay go’aan kama dambeysa ah ka gaari doonto dacwada baddeena ee Kenya nagu heesato marka lagaaro 12-ka October 2021-ka, 3:00-da galabnimo xilliga Hague.

MADAXWEYNE DENI OO QADO SHARAF U SAMEEYAY CARUURTA AGOONTA AH EE KU JIRTA XARUNTA AGOOMAHA EE GAROOWE

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah Qasriga Madaxtooyada kulan Qado sharaf ah ugu sameeyay Caruurta Agoonta ah ee  ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe.

Munaasabadda waxay isugu jirtay booqasho Caruurta loogu sameeyay Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u booqday dhismeyaasha iyo xafiisyada Madaxtooyadu ka koobantahay, intaasi kadib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo xaladaada ka xogwareystay.

Maamulka, macalimiinta xarunta Agoomaha iyo Caruurta Agoonta ahba waxay ka mahadceliyeen Qado Sharafta, Kulanka iyo in marwalbo uu xaaladooda si hoose ula socdo Madaxweynaha Dowladda Puntland, waana markii labaad ee uu kulan kula qaadanayo

Qaramada Midoobay oo ku baaqday inta goori goor tahay in wax laga qabto xaaladda Mayanmar

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka, Michelle Bachelet,ayaa ka digtay dhibaatooyin dhanka bini’aadanimada ah oo ay geystaan xukumadda  milateriga  ee dalka Myanmar ku qabsaday afgambiga ciidan.

Bayaan ay soo saartay Khamiista ayeey ku sheegtay in Beesha caalamku ay laba -laabtaan dadaalladooda ku aaddan soo -celinta dimuqraadiyadda iyo ka -hortagga iskahorimaadyada ka jira dalkaasi.

Wakiilka ayaa ku boorisay beesha caalamka in inta goori goor tahay in wax laga qabto ama  tallaabo laga qaado xukuumadda mileteriga ah ee Mayanmaar,

Myanmar ayaa ku jirtay qalalaase tan iyo markii militariga ay awoodda ku qabsadeen afgambi 1 -dii Febraayo, taasoo soo afjartay 10 sano oo dalkaasi ku jiray dimoqraadiyad iyo horumar kale.

In ka badan 1,120 qof ayaa la dilay tan iyo markii uu dhacay inqilaabkii Mayanmaar, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay,waxaana dilalkaasi ay dhaceen xilli ciidamada dalkaasi ay doonaayeen in ay joojiyaan bannaanbaxyo looga horjeeday xukunka mileteriga ah.

 

Madaxweynaha Puntland oo Qado sharaf u sameeyey caruurta agoonta ee ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe .

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah Qasriga Madaxtooyada kulan Qado sharaf ah ugu sameeyay Caruurta Agoonta ah ee ku jirta xarunta agoomaha ee Garoowe.

Munaasabadda waxay isugu jirtay booqasho Caruurta loogu sameeyay Madaxtooyada iyagoo qeyb qeyb u booqday dhismeyaasha iyo xafiisyada Madaxtooyadu ka koobantahay, intaasi kadib waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland oo xaladaada ka xog wareystay.

Maamulka, macalimiinta xarunta Agoomaha iyo Caruurta Agoonta ahba waxay ka mahadceliyeen Qado Sharafta, Kulanka iyo in marwalbo uu xaaladooda si hoose ula socdo Madaxweynaha Dowladda Puntland, waana markii labaad ee uu kulan kula qaadanayo Madaxtooyada.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo dhagax dhigay mashaariic laga hirgalinaayo Dhahar

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhagax dhigay goob loogu talagalay garoon diyaaradeed oo qeyb ka ah mashruuc horumarineed oo ay yeelaneyso magaalada Dhahar.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Dhahar, ayaa sido kale dhagax dhigay xarumo waxbarasho,isagoo dhinaca kale bilaabay qorshaha dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaaladaasi.

Dhagax dhigga garoonkaasi oo ay ka qeybgaleen maamulka magaalada Dhahar,ayaa imaamanaya xilli kooxo khuburo ah ay  soo gabagabeeyeen sahminta goob muhiim ah oo u qalanta garoon diyaaradeed.

Source: Sonna

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Kulan la qaatay Danjiraha Dalka China u fadhiya Soomaaliya Mr. FEI Shengchao.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, dhiirogelinta xiriirka ganacsiga iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay kulanka iyo guud ahaanba garab istaagga dowladda China.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey Mashruuca dayactirka {Run} wayga Garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada (XFS) Duraan Axmed Farax ayaa Ka qaybgaly Maanta Kulan ay Martigelisay Shirkadda Favori LLC Ee Ka shaqaysa Hormarka Garoonka Muqdisho loogana hadlayey Mashruuca dayactirka {Run} wayga Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport, Kulan kan oo ay goob,joog ahaayen Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed macalin xasan iyo Masuulinyiin kale,

Shirkadda Favori LLC oo soo bandhigtay Dayactirka ay ku sameynayso wadada ay Diyaaraduhu ku soo dagaan kana kacaan, waxaana Dayactir ugu dambeysay 1960,

kulankan oo lagu falanqeynayey caqabadaha ka dhalan kara mashruuca dayactirka iyo sida looga yareyn lahaa saameynta mashruucani ku yeelan karo duulimaadka.

Shirkadan Favori ee laga leeyahay Dalka Turkiga oo aan,nahay laba Dall oo walaala ah ayaa Dawladda Somalia ka caawisa mashaariicyo badan oo ay tani ka mid tahay.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir oo Tababar u soo xirtay shaqalaha adeeg bixinta

Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta soo xirtay Tababar ku saabsan adeeg bixinta Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Tababarkan oo uu soo Agaasimay Machadka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiye Ku-xigeenada Arrimaha Bulshada qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo 3-da deegaan, Agaasinka Waxbarashada, Dad-dhigista iyo Caafimaadka.

Waxaa lagu baranayey Adeeg bixinta Arrimaha Bulshada iyo daadejintooda iyo weliba sida ay u shaqeeyaan Dowladdaha Hoose, waxa uuna socdey 4-tii Cisho ee la soo shaafay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo soo xiray kulan u dhaxeeyey guddiyo Farsamo oo ka kala Socday DFS iyo Midowga Africa

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Xuseen ayaa muqdisho ugu soo Xeray kulan Seddex Maalmood Socday oo u dhaxeeyey guddiyo Farsamo oo ka kala Socday DFS iyo Midowga Africa, kaasi oo looga arinsanayay Hanaanka loo wajahayo qorshaha kala guurka Ciidanka.

Xeritaanka kulanka ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ,Saraakiil ka tirsan Taliska CXDS ,Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyo Hoggaanka Midowga Africa ee Amisom Ee Soomaaliya.

Kulanka mudadii uu Socday Waxaa diiradda la Saaray Hanaanka loo marayo in Ciidanka Amisom ay ku wareejiyaan amniga Guud ee Dalka Ciidanka XDS.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa. Xusay in DFS dadaal Xooggan ay galisay Tababaridda ,Tayeynta iyo qalabeynta CXDS , Waxa kaloo uu Xusay in qorshan sida wadajirka ah gudiyadan ay u diyaariyeen ay ka shaqeyn doonaan fulintooda.

Qorshaha howleedka Sida wadajirka ay u diyaariyeen DFS iyo Amisom ayaa la hor-geen doonnaa Golaha Amniga Ee Qaramada Midoobe .

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la kulantay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo  Daryeelka Bulshadda Drs Fawziya Abikar Nuur ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya Mudane Feishengcho,  Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Wadanka iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.

Dowladda China ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida  adeega Caafimaadka, Wasiiradda  Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaga ay Dawladda China ay marwalba diyaarka u latahay shacabka Soomaaliyeed.

Source: Sonna