Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Kulan la qaatay Danjiraha Dalka China u fadhiya Soomaaliya Mr. FEI Shengchao.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, dhiirogelinta xiriirka ganacsiga iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay kulanka iyo guud ahaanba garab istaagga dowladda China.