AMMAANKA GOBOBALKA BARI OO LAGA SHIRAY.

Kulankan ayaa waxaa isugu tegay guddiga amniga Gobalka Bari madaxda ciidanka booliska, saraakiisha ciidamada.

Kulanka oo ahaa wejigii labaad ee shir noociisa oo kale ah ayaa si weyn looga hadlay sidii laga yeeli lahaa xaaladda ammaanka Gobalka Bari madaama Bosaaso ay ka mid tahay meelaha lagu qaban doono Doorashada Kursiga Aqalka Hoose.

Shirkaan ayaa Qeyb ka ah shirka Amniga Gobalka Bari oo lagu qabto Xafiska Maamulka Gobalaka Bari.

 

Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta XFS oo soo bandhigtay Sooyaalka Taariikhda Shidaalka Soomaaliya iyo Fursadaha ka jira

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey oo ay Wehliyaan Xubno ka Tirsan Hay’adda Batroolka Soomaaliyeedayaa ka qeybgalay Shirweynaha E & P Africa oo lagu qabtay Magaalada London , Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Eng.Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ugu qeybgalay Shirka aaladda fogaan aragga ee (Zoom Meeting) ,Shirakan ayaa waxaa ka qeyb-galay Dhammaan Shirkadaha ka Shaqeeya Baarista ,Soo Saaridda iyo Suuq-qeybta Shidaalka Qaaradda Africa ,

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa Shirweynaha ku soo bandhigtay Sooyaalka Taariikhda Shidaalka Soomaaliya iyo Fursadaha ka jira dalka ee ay ka faa’iideysan karaan Shirkadahaas.

Madaxweyne Cabaas oo ku baaqay in Israa’iil ay muddo sanad ah uga baxaan dhulka Falastiin

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa Israa’iil siiyay muddo hal sano ah oo ay kaga baxaan dhulka ay ka haysataan,isagoo dhinaca kale ku hanjabay in ay ka laaban doonaan aqoonsiga Israa’iil .

Hadaladaan ayaa ka dambeeyay khudbad uu ujeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay maalinimadii shalay, wuxuuna intaa ku daray in Israa’iil ay haysato hal sano oo ay  kaga baxdo dhulka Falastiin ee ay qabsatay 1967,taas oo ay ku jirto Bariga Qudus.

Hogaamiyaha Falastiin ayaa sidoo kale ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres “inuu qabto shir nabadeed oo caalami ah ,wuxuuna dhiniciisa muujiyay in uu diyaar u ahay in Israa’iil uu kala shaqeeyo arrimaha bixitaanka.

Madaxweyne Cabaas waxa uu caddeeyay in uu ka horjeedo khariidadaha gobolka ee muujinrysa isballaarinta  Israa’iil,iyadoo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ay qabsadeen deegaanno badan oo ay leeyihiin Falastiin.

Ra’iisal wasaare Rooble” Waa in aan isu kaashanaa la dagaalanka argagixisada hororka ah,”

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Muqdisho ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday.

”Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa  dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Ra’iisal wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isu kaashado la dagaalanka argagixisada hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay khaasaraha qaraxii Muqdisho ka dhacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii saakay ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta ay kooxaha argagaxisada la beegsadeen dad shacab ah.

“Dhimashada guud waa 8-qof, 7-qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidamada ilaalada wadooyinka , dhaawacuna wuxuu gaaraya 9-qof, “ ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed mar uu warbaahinta kula hadlayay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Gadiidka gurmadka degdeg ah ayaa dadkii dhaawaca ahaa goobta ka qaaday, iyadoo kuwa dabbka damiyana ay bakhtiiyeen dab qabsaday gaadiidkii goobta yaalay.

Guddiga doorashada K/galbeed oo la kulmay Odayaasha dhaqanka

Gudiga hirgelinta Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu Hoggaaminayey Gudoomiyaha Gudiga Mudane Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulanka Odeyaasha iyo Gudiga ayaa ahaa Isbarasho iyadoo odayaasha loo sharxay Habraacyadii ay soo Sareen Gollaha Wadatashiga Qaran Cida soo Xulaysa Ergada.

Odayaasha dhaqanka ayaa bogaadiyay shaqada adag ay guddiga doorashada maamulka koonfur galbeed Bulshada u hayaan.

kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Boosaaso

Shir looga hadlayay amniga gobolka bari ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidamada amniga qeybahooda kala duwan.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga amniga Gobalka Bari madaxda ciidanka booliska iyo saraakiil kale.

Kulanka oo ahaa wejigii labaad ee shir noociisa oo kale ah ayaa si weyn looga hadlay sugida amniga Gobalka Bari, madaama Bosaaso ay ka mid tahay meelaha lagu qaban doono Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ee kulanka isugu yimid ayaa isku raacay in la adkeeyo amniga guud ee gobolka Bari, islamarkaana gacan bir ah lagu qabto dadka falalka ammaan dari geysta.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay

Qarax is-miidaamin ayaa goordhaw ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab, kaas oo khasaaro kala duwan geystay.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Khasaare soo gaaray dad shacab ah ayaa jira, in kastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay.

Foolkaano ka qarxay Jaziirad ku taal dalka Spain oo khasaare sababay

Qaar ka mid ah Shirkadaha diyaaradaha ayaa baajiyey ilaa 30 duulimaad Jimcihii kuwaas oo ay ku tegi jireen jasiiradaha Spain ee La Palma iyo La Gomera sababo la xiriira daruuro dambas ah oo ka dhashay foolkaano qarxay.

Shirkadaha Iberia, Binter, Canaryfly iyo Vueling ayaa ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ee joojiyay duulimaadyada inkasta oo garoomada diyaaradaha lagu dhawaaqay inay shaqeynayaan,sida ay warisay wakaaladda wararka ee  Efe.

Fulkaanaha  qarxay  ayaa la shegayaa inuu burburiyay ku dhawaad ​​400 oo guri iyo 200 hektar (494 acres) oo dhul ah.

Kooxda Daaliban oo ku dhawaaqday hirgalinta xukuno ka dhan ah Shacabka

Horjoogahii ilaalada Xabsiyada ee Daaliban ayaa sheegay in ciqaab isugu dil iyo gacan goyn ay ka bilaaban doonaan Afghanistan.

Ninkan oo lagu magacaabo Mullah Nooruddin Turabi, oo haddana ah nin kooxda u qaabilsan xabsiyada, ayaa AP News u sheegay in dadka oo gacmaha laga gooyo ay lagama maarmaan u tahay amniga iyo xasiloonida Afgahanistan.

Wuxuu sheegay in ciqaabtan laga yaabo inaan lagu fulin meel fagaare ah, maaddaama dhaqaankaas uu ahaa mid ka jiray maamulkii hore ee Daalibaan 1990 -meeyadii.

Tan iyo markii ay awoodda Afgaanistaan la wareegeen 15-kii Ogosto, Daalibaan waxay ballan qaadayeen xukun iyo aragtiyo lamid ah kuwii ay hore u haysteen.

Hey’adaha u dooda Xadgudubyada ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa dhowr jeer ka digay in Afghanistan ay noqoto meesha ugu badan ee dadka Rayidka ah lagu waxyelleeyo.