Ciidamada Israa’iil oo 4-qof ku dilay Daanta Galbeed

Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah ayay ciidanka Israa’iil ay ku dileen aagga Jenin iyo Qudus ee Daanta Galbeed ee la haysto,ka dib markii ay halkasi ka fuliyeen weerarro  milateri.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Falastiin Mohammad Hleil, ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera dilka saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid tuulada Biddu oo dhacda waqooyi -galbeed ee Qudus, waxaana magacyadooda lagu sheegayAhmad Zahran, Mahmoud Hmaidan iyo Zakariya Badwan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay qof deggan tuulada Burqin oo dhacda  koonfur-galbeed magaalada Jenin,kaas oo isna lagu magacaabi jiray Osama Soboh oo 22-jir ahaa.

Wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerareen Burqin iyo Beit Anan,halkaas oo ay ku dileen laba ruux.

Iska hor imaadyo ayaa dhexmaray Falastiin iyo ciidamada Israa’iil,waxaana  la sheegay in sidoo kale ciidamadaasi ay dhaawaceen shan ruux.

Muhiimadda Dekadda Kalluumeysiga Hobyo u leedahay Bulshada deegaanka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa bogaadiyay cid walba oo gacan lixaad leh ka geysatay dhismaha Dekadda Kalluumeysiga Hobyo oo muhiim u ah shacabka deegaanka in shixnado kala duwan oo ganacsi kala soo degaan.

Wasiir Alcadaala ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii iyo hay’adihii gacanta ka geystay mashruucan, wuxuuna shacabka degmada Hobyo iyo guud ahaan Galmudug ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan fursadan dahabiga ah ee Dekadda loogu hirgeliyay.

“Waxaan bogaadinayaa cid walba oo gacan ka geystay dhismaha dekada macmalka ah ee Hobyo,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Mashruucan balaaran ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Talyaaniga, Hay’adda WFP, maamulka Galmudug iyo shacabka degmada oo dhabarka u xirtay in maanta la gaaro guushan oo ah mid taariikhi ah oo wax badan ka tari doonto horumarka Galmudug.

Dekadda Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, waxayna dhismaha Dekaddani qeyb weyn ka qaadan doontaa kobcinta dhaqaalaha Galmudug.

Dhismaha dekadda Hobyo waxaa ay ahmiyad gaar ah u leedahay gobollada bartamaha Soomaaliya, waxaana ka faa’ideysan kara bulsho malaayiin ah, waxaana shalay si wadajir ah xariga uga jaray madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirka Dekadaha Galmudug Saabir Shuuriye iyo Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Jaamacadda Accord iyo hey’adda UNASOM oo Arday u soo gabagabeeyey tababar lagu baranayey isbadalka Cimilada

Tababarkaan oo lagu baranayay isbadalka Cimilada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hey’adda UNASOM iyo Jaamacadda Accord Ee magaalada Muqdisho.

Tababarkaan ayaa waxaa ka qeybgalay qubaro gaareysa 400 oo ka kala yimid ururo ka shaqeeyo arrimaha isbadalka cimilada iyo hey’ado daneeya arrimahaasi, waxaana la siinayay cash aro la xariira isbadalka cimilada aduunka saameynta uu ku leeyahay cunnada iyo biyaha gaar ahaan mustaqbalka sidii loo heli lahaa arrinta “food security”

Jaamacadda Accord ayaa soo bandhigtay xalka ay haayaan ilaa haatan si wax looga qabto caqabadaha ka dhalan kara isbadalka Cimilada, ayada oo muhimadana ay tahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka bad qabaan saameynta ka dhalan karta isbadalka Cimilada oo dunida dagaal kula jirto.

Ustaad Cabdulaahi Abuukar Maalin Madaxa Kulliyada Deegaanka ee Jaamacadda Accord ayaa ardayda ka qeyb gashay tababarka ku booriyay in ay sameeyaan cilmi baaris la xariirta arrimahaan.

Qaar ka mid ah dadka ka qeybgalay tababarkaan ayaa sheegay in wax badan oo kor u qaadaya garaadka iyo aqoonta ay u leeyihiin cimilada iyo deegaanka ay ka faa’iideysteen.

Jaamacadda Accord oo ka mid ah jaamacadaha ku yaala dalka ayaa mar walba u taagan sidii ardayda Soomaaliyeed ay ugu caawin laheyd aqoonta iyo cilmiga ayada oo inta badan qabata tababaro kor loogu qaadayo garaadka ardayda.

 

Waa muhiim in la tixgaliyo Tallooyinka bulshada ee dhinaca dib -u -eegista dastuurka

Marka laga yimaado dastuurka Eebe,ee loo jideeyay in lagu maamulo dunidan,waxaa jira nidaam sharci oo macmal ah ama ay sameeyaan aadaha,kaas oo shucuubta caalamka ay u adeegsadaan in lagu maareeyo nolosha,isla markaana lagu ilaaliyo dad,dal iyo maamul jira.

Datuurka Soomaaliya ee lagu saleeyay nidaamka federaalka ee aan qaadanay,wuxuu ogolaanayaa dhismaha Maamul Dowladnimo oo ka soo bilowda gunta hoose ama ka soo bilowday heer degmo illaa heer gobol ,kaas oo bulshadu wadaageyso dowlad dhexe ,dowlad goboleedyadana ay u madax bannaan yihiin maamulkooda hoose.

Haddaba,todobaadkaan waxaa la soo gabagabeeyay wareegii ugu dambeeyay ee wadatashiyada dadweynaha ee ku aadanaa geeddi -socodka dib -u -eegista dastuurka Soomaaliya, iyadoo xubnaha bulshadu ay fikirkooda ka dhiibteen arrimaha bulshada ee lagu qorayo qoraalka qabyada ah ee dastuurka, si loo ilaaliyo xuquuqda dadka muwaadinka ah.

Aragtida ku aadan dib u eegista dastuurka oo ay taageerayaan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM),waxa qayb ka ah dadaallada wacyigelinta ee ay wadaan Wasaaradda Dastuurka, si loo helo fikrado kala duwan oo lagu kabo ama lagu daro hannaanka dib -u -eegista ee hadda socda,iyadoo marna aan la khilaafeynin rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku kala baahsan gudaha dalka oo dhan

Howsha ugu badan ee lagu ururinaayo aragtiyada ku aaddan dib u eegista dastuurka cusub,waxaa wada Wasaaradda Arrimaha Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Dowlad Goboleedyada,waxaana maamuladaasi lagu qabtay kulamo wacyigalin ah oo dadweynuhu ay kaga doodayaan qoraalka qabyada ah ee dastuurka.

Mawduucyada muhiimka ah ee illaa hadda ay soo jeediyeen dadka ama ay ka dhiibteen fikirkooda waxaa ka mid ah tabashooyinka saameynaya bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan xuquuqda dadka naafada ah, caddaaladda, amniga, matalaad xaq ah oo loo siman yahay, awood-qaybsiga, xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada, qaybsiga kheyraadka iyo maqaamka Muqdisho.

“In ka badan boqolkiiba toddobaatan dadweynaha maanta waxay si fiican u fahmeen dastuurka marka loo eego afar sano ka hor, ”ayuu yiri Agaasimaha Wacyigelinta Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdikani Ali Adan.

Kulamada loo qorsheeyay dib u eegista dastuurka iyo jawaabaha ka soo baxaya fadhiyadaasi waxa ay u baahan yihiin in wacyigelinta la gaarsiiyo illaa heer degmo , tuulo iyo gobol,iyadoo bulshada loo soo bandhigayo horumarka ilaa hadda la gaaray, caqabadaha lala kulmay iyo habka loo marayo qoraalka dastuurka cusub ee soo bilowday sanadkii 2012.

“Waxaan helnay aragtiyo, waxaan ka jawaabnay su’aalo, waxaan dadka la wadaagnay macluumaad afartii sano ee lasoo dhaafay,Waxaanna rajeyneynaa in dastuurkaan uu noqon doono mid miro dhal u ah dadka iyo dalka”ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Dastuurka.

Waxaa haboon in dastuurka cusubi uu noqdo mid aan dhibaatooyin u keeneyn shacbiga,isla markaana fududeeya in qofku meeshii uu doono uu ka heli karo adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha,lagana gudbo caqabadaha uu yeelan karo nidaamkaan iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha maxkamad dastuuri ah oo ilaalisa sharciyada iyo danta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

In la hubiyo xaqa uu dastuurku siinayo dadka,isla markaan dadwaynahana loo caddeeyo waxa uu xambaarsan yahay dastuurkaan waa sida kaliya ee miro dhalka ah ee lagu gaari karo isku duubni iyo horumar guud.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

Wasiirka Arrimaha dibedda Ruushka oo sheegay in Aqoonsi siinta Taliban ahayn wax hadda saaran miiska wada hadalka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Sabtidii sheegay in aqoonsi Dowladnimo oo Taliban la siiyaa  ​​uusan hadda ahayn miiska wada hadalka saarayn.

Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo dhinac socday kalfadhigii 76 -aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Lavrov wuxuu yiri: “Su’aasha ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee Taalibaan xilligan xaadirka ah miiska ma saarna.”

Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xiriir la leeyihiin Daalibaan, isla markaana ay aad muhiim u tahay inay Taliban fuliyaan ballanqaadyadooda.

Madaxweyne Turkiga oo ka qeybgalay munaasabadda tiknolojiyadda iyo duulista hawada ee Turkiga.

madaxweynaha oo ka hadlay muhiimada munaasabaddan ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Dhammaan mashaariicda halkan lagu soo bandhigay waxay ka dhasheen wadashaqayn kooxeed oo ay ku jiraan iskuulo, macallimiin iyo qoysas. Ka sokow dadaalka dhallinyaradeenna, waxaa sidoo kale mahad leh hodantinimada iyo kartida Turkiga,”

madaxweynaha ayaa markale guul u rajeeyey Teknofest mar uu ka hadlayey muhiimada ay leedahayna wuxuu yiri “Halkan waxaan ku arki karnaa saynisyahanno guulaystay, injineero, farsamo -yaqaanno, cilmi -baarayaal iyo kuwa ka shaqeeya berrinka, kuwaas oo hagi doona mustaqbalka Turkiga. Dhalinyarada maanta ikhtiraacday Teknofest, waxaan rajaynayaa, inay noqon doonaan naqshadeeyeyaasha Turkiga 2053 iyo 2071,”

Bandhigga sannadlaha ah oo lix maalmood soconaya ayaa ka dhacay garoonka Ataturk ee Istanbul iyadoo qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo maanta.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MUWAADINIINTII KU SHAHIIDAY QARAXII MAGAALADA MUQDISHO

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MUWAADINIINTII KU SHAHIIDAY QARAXII MAGAALADA MUQDISHO
Muqdisho, Sebteembar 25, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ergayga Geeska Afrika ee xasilinta iyo nabadeynta oo ka baaqday safar uu ku imaan lahaa Muqdisho

Wafdiga Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo lagu waday inuu maanta soo gaaro dalka ayaa baaqday,waxaana la filayaa maalinta beritto oo Axad ku began inuu yimaado magaalada Muqdisho.

Midowga Afrika ayaa u magacaabay Ergayga Geeska Afrika ee Xasilinta iyo Nabadeynta.

Shaqada Ergayga ayaa ah inuu kala shaqeeyo dhinacyada jilayaasha siyaasadda ee dalalka Afrikada Bari oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo xilligan wajahaysa xaalado kala guur ah,maadama Xukuumadda Soomaaliya ay taabagelisayy Doorashada Aqalka Sare.

Mr. Olesugun Obasanjo ayaa ahaa madaxweynihii 8-jeer oo isku xig-xigta si dimuqraadiyad leh loo doortay ee Nigeria ka hor inta uusan xilka ku wareejin Cumar Yaradua.

MW Maamul GOBALEEDKA PUTLAND SACIID C/ALLAHI DANE IYO GUDIGA UQAREEMIDA KOONTDA HAWEENKA OO KULAN YEESHAY GARAWE

Wargeyska Dalka-Madaxweynaha Maamul Gobaledka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo kulan laqaatay guddiga u qareemayasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa uu ku qobsoomay magaalada Garawe, kaa  oo looga hadlay arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen kooto ku filan Baarlamaanka.

Guddigu ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Maamulka Gobaleedka Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu kooto uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metalaya Puntland.

Madaxweynaha Maamulgobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowladda Puntland ay tixgelinayso kootada Haweenka.

kulanka ayaa waxa ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland.

Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug oo maanta kualan ku qabatay magaalada Dhuusamareeb

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabatey kulankan oo ku saabsanaa isku duwidda ururinta macluumaadka, lagu faafinayo samaynta xogta madasha marwo ee gaarsiinta qoondada haweenka 30%. Waxaana madashan lagu casuumey haween ka socday Ururada bulshada rayadka,
Saxaafada madaxa-banaan, Booliiska iyo
Hay’addaha dowlada.

Ka qayb galayaasha ayaa loo soo bandhigey xogaha iyo macluumaadka Wasaraddu u diyaarisay ilaalinta xuquuqda haweenka qaybta ka ah Doorashooyinka, gaar ahaan hannaanka uruurinta macluumaadka ee kujira Madasha marwo kana kooban mareeg laga daalacan karo xogaha haweenka iyo numberka xiriirka dadwaynaha ee qof kastaa kusoo gudbin karo xadgudubyada haweenka ku dhici kara inta doorashadu socoto.

Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasaaradda haweenka & horumarinta xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo kulankan daah furtay ayaa si gaar ah ugu mahad celisay hey’adda UNDP oo ay sheegtay in ay kala qayb qaadaneyso dardar galinta barnaamijkan. COD

Sidoo kale ka qayb galayaasha oo si gaar gaar ah u dul istaagey su’aalo la iska waydiiyey sida haweenku u heli karo xuquuqaadkooda mudada doorashada iyo sidii dhamaan qaybaha kulankan ku sugnaa isaga kaah-shan karaan fulinta doorkaasi.