MW Maamul GOBALEEDKA PUTLAND SACIID C/ALLAHI DANE IYO GUDIGA UQAREEMIDA KOONTDA HAWEENKA OO KULAN YEESHAY GARAWE

Wargeyska Dalka-Madaxweynaha Maamul Gobaledka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo kulan laqaatay guddiga u qareemayasha Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxa uu ku qobsoomay magaalada Garawe, kaa  oo looga hadlay arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen kooto ku filan Baarlamaanka.

Guddigu ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Maamulka Gobaleedka Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu kooto uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metalaya Puntland.

Madaxweynaha Maamulgobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowladda Puntland ay tixgelinayso kootada Haweenka.

kulanka ayaa waxa ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland.