Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug oo maanta kualan ku qabatay magaalada Dhuusamareeb

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabatey kulankan oo ku saabsanaa isku duwidda ururinta macluumaadka, lagu faafinayo samaynta xogta madasha marwo ee gaarsiinta qoondada haweenka 30%. Waxaana madashan lagu casuumey haween ka socday Ururada bulshada rayadka,
Saxaafada madaxa-banaan, Booliiska iyo
Hay’addaha dowlada.

Ka qayb galayaasha ayaa loo soo bandhigey xogaha iyo macluumaadka Wasaraddu u diyaarisay ilaalinta xuquuqda haweenka qaybta ka ah Doorashooyinka, gaar ahaan hannaanka uruurinta macluumaadka ee kujira Madasha marwo kana kooban mareeg laga daalacan karo xogaha haweenka iyo numberka xiriirka dadwaynaha ee qof kastaa kusoo gudbin karo xadgudubyada haweenka ku dhici kara inta doorashadu socoto.

Ubax Xuseen Dhiblaawe, Wasaaradda haweenka & horumarinta xuquuqul insaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo kulankan daah furtay ayaa si gaar ah ugu mahad celisay hey’adda UNDP oo ay sheegtay in ay kala qayb qaadaneyso dardar galinta barnaamijkan. COD

Sidoo kale ka qayb galayaasha oo si gaar gaar ah u dul istaagey su’aalo la iska waydiiyey sida haweenku u heli karo xuquuqaadkooda mudada doorashada iyo sidii dhamaan qaybaha kulankan ku sugnaa isaga kaah-shan karaan fulinta doorkaasi.