Ergayga Geeska Afrika ee xasilinta iyo nabadeynta oo ka baaqday safar uu ku imaan lahaa Muqdisho

Wafdiga Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo lagu waday inuu maanta soo gaaro dalka ayaa baaqday,waxaana la filayaa maalinta beritto oo Axad ku began inuu yimaado magaalada Muqdisho.

Midowga Afrika ayaa u magacaabay Ergayga Geeska Afrika ee Xasilinta iyo Nabadeynta.

Shaqada Ergayga ayaa ah inuu kala shaqeeyo dhinacyada jilayaasha siyaasadda ee dalalka Afrikada Bari oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo xilligan wajahaysa xaalado kala guur ah,maadama Xukuumadda Soomaaliya ay taabagelisayy Doorashada Aqalka Sare.

Mr. Olesugun Obasanjo ayaa ahaa madaxweynihii 8-jeer oo isku xig-xigta si dimuqraadiyad leh loo doortay ee Nigeria ka hor inta uusan xilka ku wareejin Cumar Yaradua.