Waa muhiim in la tixgaliyo Tallooyinka bulshada ee dhinaca dib -u -eegista dastuurka

Marka laga yimaado dastuurka Eebe,ee loo jideeyay in lagu maamulo dunidan,waxaa jira nidaam sharci oo macmal ah ama ay sameeyaan aadaha,kaas oo shucuubta caalamka ay u adeegsadaan in lagu maareeyo nolosha,isla markaana lagu ilaaliyo dad,dal iyo maamul jira.

Datuurka Soomaaliya ee lagu saleeyay nidaamka federaalka ee aan qaadanay,wuxuu ogolaanayaa dhismaha Maamul Dowladnimo oo ka soo bilowda gunta hoose ama ka soo bilowday heer degmo illaa heer gobol ,kaas oo bulshadu wadaageyso dowlad dhexe ,dowlad goboleedyadana ay u madax bannaan yihiin maamulkooda hoose.

Haddaba,todobaadkaan waxaa la soo gabagabeeyay wareegii ugu dambeeyay ee wadatashiyada dadweynaha ee ku aadanaa geeddi -socodka dib -u -eegista dastuurka Soomaaliya, iyadoo xubnaha bulshadu ay fikirkooda ka dhiibteen arrimaha bulshada ee lagu qorayo qoraalka qabyada ah ee dastuurka, si loo ilaaliyo xuquuqda dadka muwaadinka ah.

Aragtida ku aadan dib u eegista dastuurka oo ay taageerayaan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM),waxa qayb ka ah dadaallada wacyigelinta ee ay wadaan Wasaaradda Dastuurka, si loo helo fikrado kala duwan oo lagu kabo ama lagu daro hannaanka dib -u -eegista ee hadda socda,iyadoo marna aan la khilaafeynin rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku kala baahsan gudaha dalka oo dhan

Howsha ugu badan ee lagu ururinaayo aragtiyada ku aaddan dib u eegista dastuurka cusub,waxaa wada Wasaaradda Arrimaha Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Dowlad Goboleedyada,waxaana maamuladaasi lagu qabtay kulamo wacyigalin ah oo dadweynuhu ay kaga doodayaan qoraalka qabyada ah ee dastuurka.

Mawduucyada muhiimka ah ee illaa hadda ay soo jeediyeen dadka ama ay ka dhiibteen fikirkooda waxaa ka mid ah tabashooyinka saameynaya bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan xuquuqda dadka naafada ah, caddaaladda, amniga, matalaad xaq ah oo loo siman yahay, awood-qaybsiga, xuquuqda haweenka iyo dhallinyarada, qaybsiga kheyraadka iyo maqaamka Muqdisho.

“In ka badan boqolkiiba toddobaatan dadweynaha maanta waxay si fiican u fahmeen dastuurka marka loo eego afar sano ka hor, ”ayuu yiri Agaasimaha Wacyigelinta Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdikani Ali Adan.

Kulamada loo qorsheeyay dib u eegista dastuurka iyo jawaabaha ka soo baxaya fadhiyadaasi waxa ay u baahan yihiin in wacyigelinta la gaarsiiyo illaa heer degmo , tuulo iyo gobol,iyadoo bulshada loo soo bandhigayo horumarka ilaa hadda la gaaray, caqabadaha lala kulmay iyo habka loo marayo qoraalka dastuurka cusub ee soo bilowday sanadkii 2012.

“Waxaan helnay aragtiyo, waxaan ka jawaabnay su’aalo, waxaan dadka la wadaagnay macluumaad afartii sano ee lasoo dhaafay,Waxaanna rajeyneynaa in dastuurkaan uu noqon doono mid miro dhal u ah dadka iyo dalka”ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Dastuurka.

Waxaa haboon in dastuurka cusubi uu noqdo mid aan dhibaatooyin u keeneyn shacbiga,isla markaana fududeeya in qofku meeshii uu doono uu ka heli karo adeegyada aasaasiga ah ee xagga nolosha,lagana gudbo caqabadaha uu yeelan karo nidaamkaan iyadoo mudnaanta la siinayo dhismaha maxkamad dastuuri ah oo ilaalisa sharciyada iyo danta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

In la hubiyo xaqa uu dastuurku siinayo dadka,isla markaan dadwaynahana loo caddeeyo waxa uu xambaarsan yahay dastuurkaan waa sida kaliya ee miro dhalka ah ee lagu gaari karo isku duubni iyo horumar guud.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye