Gudaha RW kuxigeenka Dalka oo shaaciyay in Cabdi Caashi Kursiga Aqalka Sare lagula Tartami doono

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka mudane Mahdi M. Gulaid oo ku dhawaaqay In kursiga Koowaad ee aqalka sare ee Somaliland lagula Tartami doono Cabdi Xaashi Cabdilaahi, kadib markii liiskii dhawaan soobaxay uu kaligiis utaagnaa tartanka kursigaas mudane Gudoomiye Cabdi Xaashi.

“Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen. Ayuu yirri Ra’iisul wasaare kuxigeenka  Dalku mudane Mahdi M. Gulaid

Guddiga Doorashada gobolada waqooyi ayaa sheegay inay bari musharaxiintu bilaabi doonaan hadal jeedintooda.

Guddiga Hirgalinta Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland ayaa sheegay inay bari musharaxiintu bilaabi doonaan hadal jeedintooda.

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta.

Goobta: Xerada Afisiyoone
Saacada: 8:00 Am, subaxnimo

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay taliyaha ciidammada lugta Uganda

-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho, ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Ajakis.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cismaan Abokor Dubbe aya uga tacsiyeeyey Umada Soomaaliyeed Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timid Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajax).

“Ilaahay ha u naxariisto Cabdi Muriidi Ajakis oo kamid ahaa bahda Fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo goor dhoweyd ku geeryooday Muqdisho. Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeed na waan uga tacsidaynayaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Abokor Cismaan Dubbe.

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta , waxa uuna  ka mid ahaa awl-wadeenada Tv-ga Universal.

Madaxda Dowladda oo ka tacsiyeeyay geerida Majaajiliiste Ajakis.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. Aamiin

Ray’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Muudey aya iyana ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) waxa ayn alle uga baryeen in naxariistiisa janno ugu deeqo eheladii iyo asxabtii u kabaxayna samir iyo iImaan alle hakasiiyo

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Majaajiliiste Ajakis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. Aamiin

Allah unaxariisto Majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Allah unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa Majaajiliista yaasha ugu caansan gayiga Soomaaliya ayaa  goordhaw ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho,halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa.

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta , waxa uuna  ka mid ahaa awl-wadeenada Tv-ga Universal.

Xisbiga Bidix-dhexe oo si dirqi ah uga guulaystay xisbiga Angala Merkel

Xisbiga Dimuqraadiga bidixda dhexe ee dalka Jarmalka ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashooyinkii federaalka ee ka dhacay dalkaasi, iyagoo ka adkaaday xisbiga Chancellor Angela Merkel ee xilka ka sii degaya, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Xisbiga Dimoqraadiga ee SPD ayaa xaqiijiyay in ay heleen codad gaaraya 26% , halka xisbiga muxaafidka ah ee talada haya uu helay 24.1%.

kaalinta sadexaad waxaa galay Xisbiga The Greens oo isna helay 14.8% ,waana  natiijadii ugu wanaagsaneyd taariikhda ee ay helaan xisbigaasi ama ay gaaraan.

Inkastoo aysan jirin xisbi sheegan kara aqlabiyad ama in uu helay 50%,haddana,waxaa suurtagal ah in fursad la siiyo xisbiga ku guuleystay doorashooyinka ama in la abuuro isbaheysi si loo dhiso dowlad muddo afar sano ah matasha shacabka dalka Jarmalka.

Guddiga doorashada xubnaha Somaliland oo shaaciyey dib u dhac doorasho

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

“Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.
Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin.

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Beesha caalamka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Midowga Europe, Midowga Africa iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya  Per Lingarde .

Madaxweynaha iyo wakiilada beesha caalamka ka socday ayaa ka wada hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada taariikhiga ah ee Puntland ka dhacaysa ee hal cod iyo hal qof, doorashada Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland.

“Wuxuu ahaa kulan muhim ahaa oo kusoo aaday wakhti ku haboon, marxaladda cusub ee Puntland gashay oo doorasho hal qof iyo hal cod ah u dareertay” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya sida amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wakiillada Beesha Caalamka ay si qota dheer uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha Doorashada Soomaaliya.

“Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.