Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Majaajiliiste Ajakis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa. Aamiin