Allah unaxariisto Majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Allah unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa Majaajiliista yaasha ugu caansan gayiga Soomaaliya ayaa  goordhaw ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho,halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa.

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta , waxa uuna  ka mid ahaa awl-wadeenada Tv-ga Universal.