Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Ajakis.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cismaan Abokor Dubbe aya uga tacsiyeeyey Umada Soomaaliyeed Geeridii naxdinta lahayd ee ku Timid Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajax).

“Ilaahay ha u naxariisto Cabdi Muriidi Ajakis oo kamid ahaa bahda Fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo goor dhoweyd ku geeryooday Muqdisho. Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeed na waan uga tacsidaynayaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Abokor Cismaan Dubbe.

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta , waxa uuna  ka mid ahaa awl-wadeenada Tv-ga Universal.