Waxaa lashaaciyey isku aadka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Isku aadka tartanka  Kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada G/Banaadir 2021 ayaa caawa lashaaciyey.

Tartankan oo ah tartan xiisabadan ayaa sanadkiiba mar looqabtaa ciyaaryahanada degmooyinka Gobalka Banaadir.

 

 

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

adaxweynaha Dowladda dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka dimuqraadiyadda ee Puntland ku tallaabsatay, xaaladda Covid-19 iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha siyaasadda ee taagan.

Dowladda Ingiriiska ayaa la wadaagtay madaxweynaha hambalyo ku aadan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ee guuleystay, waxayna muujisay in Doorashadda hal Qof iyo Hal cod ee ka dhacaysa Puntland ay rajo wanaagsan gelin doonto Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

 

 

Gudaha Wasiir Gaadiidka iyo Duulista hawada ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka Kenya ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo Xafiiska wasaaradda maanta ku soo booqday.

Kulanka oo looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah isku socodka dadka ee labada ayaa diirada lagu saaray siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka labada dal.

Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal.

Guddoomiye Cumar Filish oo kormeeray Isbitaalka Banaadir

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir oo si bilaash ah loogu qidmeeyo bulshada Caasimadda.

Kormeerkan waxaa duqa magaalada Muqdisho ku wehlinaaye wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowziyo Abiikar Nuur, iyagoo warbixin ku saabsan xaalada isbitaalka ka dhageestay maamulka Isbitaal Banaadir kuwaas oo tilmaamay in si hufan ay ugu adeegaan bukaanda.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeerkaasi kadib waxa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka si bulshada u helaan adeegyo Caafimaad oo taya leh islamarkaana bilaash ah.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay habsami u socodka doorashooyinka dalka

Ra’lisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad u jeediyay murrashaxiinta iyo ergada dooraneysa Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland, ayaa ergada kula dardaarmay in ay si caddaalad ah wax u doortaan.

Ra’iisul Wasaraha ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada dalka inay soo dhammeystiraan xubnaha ka dhimay xildhibaannada aqalka sare, si loo doorto guddoonka.

Khudbaddiisa ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble uga hadlay qodobbo kale oo la xiriira amniga, xaaladda siyaasadeed ee dalka yo kiiska Ikraan Tahaliil, isagoo sheegay inay caddaalad heli doonto Ikraan.

Mudane, Rooble oo ka hadlay kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee madaxda dalka ayaa sheegay inaysan jirin wax weyn oo laysku hayo, isagoo bulshada ugu baaqay inay ku dedaalaan xasilloonida dalka si uusan ugu faa’iideysan cadawga Al-Shabaab.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo daah furtay tababar kor logu qaadayo aqoonta shaqaalaha wasaaradda

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda soomaaliya gaar ahaan qaybta Maamulida iyo Maareeynta Nidaamka xogta Caafimaadka ayaa daah furtay tababara ku saabsan kor u qaadista aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya Maareeynta xogta Caafimaadka, Tababararka ayaa socon doona muddo 5 cisha aha waxaan ka soo qaybgalay Dhamaan Wasaarddaha Caafimaadka ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada Tababarka ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaay aqoonta shaqaalaha Caafimaad ee ka shaqeeya Maamulida iyo Maaraynta Nidaamka xogta Caafimaadka.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo ka bilabaty Hoolka Teendhada Afisyoone

Hadal jeedinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa goor dhowed ka bilaabatay Hoolka Teendhada Afisyoone,

Musaanabadda Furitaanka Hadal jeedinta ayaa waxa ka qayb Galay Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo marti Sharaf tiro kale

Hadal jeedinta ayaa qorshuhu yahay in maanta la soo gabo gabeeyo iyadoo isla beri ba ay bilaaban doonto Doorashada Xubnaha Aqalka Sare.

Kuuriya waqooyi oo difaacday gantaal sadexaad oo ay tijaabiyeen Bil gudaheed

Kuuriyada Woqooyi ayaa markii sadexaad bil gudaheed tijjbisay gantaal balistic ah oo lala beegsaday biyaha badda ee gacanka,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed iyo Japaan .

Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa goor sii horeysay sheegay in gantaalkaasi laga soo tuuray waqooyiga Jagang ee buuraleyda ,abaarihii 6:40 subaxnimo ee xilliga maxalliga .

Tijaabinta gantaalkaan oo nuuciu yahay kuwa ridada gaaban, ayaa imaanaya wax yar ka hor markii ergayga Qaramada Midoobay ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Song, uu khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee xarunta New York.

Ergeyga ayaa sheegay in Pyongyang ay xaq u leedahay is-difaac iyo in ay samaysato hub,iyadoo horay Woqooyiga Kuuriya ay u tijaabisay gantaal istiraatiiji ah iyo laba gantaal oo ah kuwa ay xambaaraan tareenada.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareysay tijaabadaasi ,halka Golaha Amniga Qaranka ee K/Koonfureed ay yeesheen kulan degdeg ah oo ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin tijaabadaasi,

Waqooyiga Kuuriya ayaa horay looga mamnuucay in ay samayso tijaabooyinka gantaalada ballistic-ga iyada oo la raacayo cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee lagu soo rogay barnaamijka hubka nukliyeerka ee dalkaasi.

Danjirayaasha Soomaaliya & Tunisia u fadhiya Kuwait oo ku kulmay dalkaasi.

Danjiraha JFS ee Kuwait Mudane Dr Abdullahi Mohammed Odowa ayaa maanta xafiiska ku qaabiley Danjiraha Tunisia ujooga Kuwait Mudane Hechemi Agili.

Labada masuul ayaa kawada hadlay xidhiidhka taariikhiga ah ee labada dal ee walaalaha ah u dhaxeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo isbadaladda siyaasaddeed ee Tunisia ka dhacaya.

Labaa masuul ayaa isla qaatay sidii loo sii xoojin laha xiriirka labad dowladood ee walaalaha ah islamarkaana ay iska kaashadaan horumarada labada wadan.

Safiiradda cusub Soomaaliya ee Tanzania oo warqadaheeda danjirannimo ku wareejisay Madaxweyne Tanzania

Marwo Danjire Sahra Cali Xasan, ayaa maanta oo Isniin ah, warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ee Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi , (Marwo) Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma.

Intii lagu gudo jiray munaasabadda waqad gudbinta, waxa ay Danjire Sahra Xasan la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, iyadoo carabka ku adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer.

Dhamaad