Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay habsami u socodka doorashooyinka dalka

Ra’lisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad u jeediyay murrashaxiinta iyo ergada dooraneysa Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland, ayaa ergada kula dardaarmay in ay si caddaalad ah wax u doortaan.

Ra’iisul Wasaraha ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada dalka inay soo dhammeystiraan xubnaha ka dhimay xildhibaannada aqalka sare, si loo doorto guddoonka.

Khudbaddiisa ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble uga hadlay qodobbo kale oo la xiriira amniga, xaaladda siyaasadeed ee dalka yo kiiska Ikraan Tahaliil, isagoo sheegay inay caddaalad heli doonto Ikraan.

Mudane, Rooble oo ka hadlay kala aragti duwanaashaha siyaasadeed ee madaxda dalka ayaa sheegay inaysan jirin wax weyn oo laysku hayo, isagoo bulshada ugu baaqay inay ku dedaalaan xasilloonida dalka si uusan ugu faa’iideysan cadawga Al-Shabaab.