Kuuriya waqooyi oo difaacday gantaal sadexaad oo ay tijaabiyeen Bil gudaheed

Kuuriyada Woqooyi ayaa markii sadexaad bil gudaheed tijjbisay gantaal balistic ah oo lala beegsaday biyaha badda ee gacanka,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed iyo Japaan .

Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa goor sii horeysay sheegay in gantaalkaasi laga soo tuuray waqooyiga Jagang ee buuraleyda ,abaarihii 6:40 subaxnimo ee xilliga maxalliga .

Tijaabinta gantaalkaan oo nuuciu yahay kuwa ridada gaaban, ayaa imaanaya wax yar ka hor markii ergayga Qaramada Midoobay ee Kuuriyada Waqooyi, Kim Song, uu khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee xarunta New York.

Ergeyga ayaa sheegay in Pyongyang ay xaq u leedahay is-difaac iyo in ay samaysato hub,iyadoo horay Woqooyiga Kuuriya ay u tijaabisay gantaal istiraatiiji ah iyo laba gantaal oo ah kuwa ay xambaaraan tareenada.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareysay tijaabadaasi ,halka Golaha Amniga Qaranka ee K/Koonfureed ay yeesheen kulan degdeg ah oo ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin tijaabadaasi,

Waqooyiga Kuuriya ayaa horay looga mamnuucay in ay samayso tijaabooyinka gantaalada ballistic-ga iyada oo la raacayo cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee lagu soo rogay barnaamijka hubka nukliyeerka ee dalkaasi.