Wasiir Dubbe oo loo doortay Senotar ka tirsan Aqalka Sare

Wasirka Warfaafinta Soomaaliya Prof , Cusmaan Abokor Dubbe  ayaa  ku guuleystay kursia Afaraad ee  xubnaha Senatarrada Aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Senator, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa ka guuleestay Cabdi Kariim Maxamed Xasan, isagoo helay 28 Cod, halka Senotor Cabdi kariim oo horay Aqalka sare  ugu ka tirsanaa uu helay 17 cod.

GUDOOMIYA KU XIGEENKA GOBOLKA BANADIR EE DHANKA ARIMAHA BULSHADA IYO GUDOMIYAHA MAXKAMADA RACFANKA GOBOLKA BANADIR AYAA XARIGA KA JARAY DHISMA CUSUB

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) iyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cismaan Baari oo ay wehliyaan Culimo ka socday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta ayaa si wadajir ah xariga ugu jaray Dhismaha Cusub ee Maxkamada Degmada Xamarweyne.
Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa xariga ka jaray Dhismooyin kale oo lagu soo kordhiyay Xarunta Degmada Xamarweyne oo ay ka mid yihiin Masjid iyo Xafiisyo Bixinaya Adeeg Arrimo Bulsho, si Shacabka ku dhaqan Degmada Xamarweyne ay u helaan Adeegyada Aas-aasiga ah.
Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir ayaa sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii Bulshada ku dhaqan Caasimada ay xaafadahooda ugu heli lahaayeen Adeegyada Aas-aasiga ah oo ay u baahanyihiin, Adeega Garsoorkuna uu qeyb ka yahay waxyaabaha daruuriyaadka u ah Bulshada, si ay u helaan Cadaalad iyo Garsoor.
Daadejinta Adeegyada kala Gedisan ayaa waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Cabdi Xaashi oo markale loo doortay xubinnimada Aqalka Sare

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi oo hadda si toos ah uga socota Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa durba kursiga koowaad kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee xildhibaanada Aqalka Sare Sanoter Cabdi Xaashi Cabdillaahi, kadib markii uu tanasulay murrashaxii la tartamaayey.

Kursiga koowaad ee kuraasta Aqalka Sare Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ku tartamayay Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Saciid Cumar Xuseen, balse waxaa kusoo baxay Cabdi Xaashi markii uu tanaasulay Saciid Cumar Xuseen.

Sanoter Cabdi Xaashi ayaa waxaa uu helay 44 cod waxaana ka aamusay labo xubnood, sidaas ayuuna ku noqday guulaystihii koowaad ee kusoo baxa xubnaha Aqalka Sare ee matali doono gobollada waqooyi (Somaliland) 4ta sano ee soosocota haddii Alle idmo.

Goordhow ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada kuraasta xigta ee Baarlamaanka Aqalka Sare ee Soomaaliya ku matali doonta Gobolada Waqooyi.

Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika

Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ay gudaha dallaas ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo Ganacsade ahaa iyo Gabar Koonfur Afrikan ah oo u Shaqeyneysay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Axmed iyo Haweeneyda u shaqeyneeysay ayaa waxaa lagu dilay Deegaan lagu magacaabo Ga-Mawa Block 7, oo 57,2 Km u jira Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa sida la sheegay xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa dukaankiisa, waxaana weerarka si dirqi ah uga badbaaday Dhalinyaro Soomaali ah oo la joogay, iyada oo ay baxsadeen Burcaddii dilka u geystay muwaadinka Soomaaliyeed iyo haweeneyda shaqaalihiisa aheyd, kuwaas oo dukaanka ka dhacay Agab iyo lacago aan la xusin caddadooda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka loo geeysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas u tagay ganacsiga kala duwan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay Saraakiil ka socotay Milateriga Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wafdi uu horkacayey uqeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa kaalin ka qaadatay tababarista Ciidamada Milateriga Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Kumaandooska ee Gogor iyo Ciidanka Booliiska gaarka ah ee Harmacad.

Liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliland

Xildhibaannada gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 11-kursi ayaa maanta Muqdisho lagu dooran doonaa 6 kursi oo ka mid ah 11-ka kursi.

Maanta oo ah maalinnimo arbaco ah, ayaa waxaa loo tartami doona 6-da kursi ee ugu horeysa kuraasta aqalka sare ee gobollada waqooyi.

Musharaxiinta 6-da kursi ku tartami doona ayaa waxa ay tiradoodu gaaraysa ilaa 13 mudane oo laba kamid ah ay Haween yihiin.

 

Halkan hoose ka aqriso:-

 

K. Waqooyi oo sheegtay inay ku guulaysatay tijaabada gantaal cusub

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in maalinimadii shalay lagu guuleystay tijaabinta gantaal cusub oo nuuciisu yahay kuwa ka dheereeya gantaalada caadiga ah, sida ay xaqiijiyeen wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi KCNA.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in gantaalkaasi cusub oo loogu magac daray Hwasong-8 uu ka mid yahay shanta ugu muhiimsan ee lagu dejiyay qorshaha horumarinta militariga ee shanta sano.

Tijaabinta gantaalkan oo ah kuwa shan mar guuxooda ka dheereeya ayaa ah calaamad kale oo muujineysa tiknoloojiyadda hubka ee sii kordhaysa ee Pyongyang iyada oo ay saaran tahay cunaqabatayn adag.

Dalalka K/Koonfuree,Jabaan,Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay tijabada gantaalkii sadexaad ee Woqooyiga Kuuriya ay tijaabiyaan bil gudaheed.

Hogaamiyayaasha Turkiga iyo Ruushka oo kulmi doona mudo sanad ah ka dib

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa socdaal ku tegi doona Ruushka ka dib casuumad uu ka helay dhigiisa Ruushka iyagoo ka wada xaajoon doona dhinacyada horumarka gobolka iyo xaaladda Idlib Suuriya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ihlas News Agency (IHA).

Labada hogaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Moscow, horumarka gobolka ee hadda jira, iyo arrimaha caalamiga ah.
Waxaa la filaya in si gaar ah diiradda ay usaari doonaan xaaladaha ka jira wadamada kala ah Syria, Libya iyo Afghanistan

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada madaxweyne si toos ah ugu kulmaan in ka badan mudo sanad ah.

Doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliland oo maanta bilaabanaysa

Xildhibaanada gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 11-kursi ayaa maanta Muqdisho lagu dooran doonaa 6 kursi oo ka mid ah 11-ka kursi.

Waxaa ku tartami doona 6-da kursi, Musharaxiin tiradoodu dhan tahay 13, oo laba kamid ah Musharaxiintaas ay Haween yihiin.

Liiska musharaxiinta doorashada bari galayaa tartanka 29/09/2021.

DEG DEG: Barri waxaa lagu wadaa in xerada afisyooni lagu dooran doono lix kamid ah 11ka musharax ee u tartamaayo aqalka sare ee gobolada waqooyi

Gudiga doorashooyinka gobolada waqooyi ayaa shaaciyey Liiska musharaxiinta doorashada bari galayaa tartanka 29/09/2021.