Doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee Somaliland oo maanta bilaabanaysa

Xildhibaanada gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 11-kursi ayaa maanta Muqdisho lagu dooran doonaa 6 kursi oo ka mid ah 11-ka kursi.

Waxaa ku tartami doona 6-da kursi, Musharaxiin tiradoodu dhan tahay 13, oo laba kamid ah Musharaxiintaas ay Haween yihiin.