Warshad Oxygen ah oo maanta laga daah furay Muqdisho

Waxaa maanta la daahfuray Warshad Oxygen oo laga dhisay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir taasoo ay maalgeliyeen shirkadaha Hormuud iyo Salaama.

Xafladdan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Sare Dowladda Soomaaliya,  Wasiirka Caafimaadka Drs. Fawziya Abikar Nur,  iyo Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macallin, Maamulka Gobalka Banaadir,  Safiirka Dowladda Turkiga, Wasiir Ku Xigeenka  Amniga, Guddoomiya Culimada Soomaaliyeed iyo Xubna ka socday Ururada  Bulshada Rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Warshadan ayaa ku Soo beegmaysa xilli uu markii Saddexaad soo laabtay Caabuqa COVID-19, Waxaana larajeynaya in ay waxbadan kabadali doonto baahidii badneyd ee dhanka Oxygen.

Ugu damabyntii bilaha soo socdo ayaa la filaa in la daahfuri doono Warashada Kele oo laga hergelinayo Isbitallada DeMartini, iyo Isbitaalo ku yaala Goballada Dalka kuwaas oo goordhow la gaarsiin doono Warashado Oxygen.

Kulan ku saabsanaa dhab uheshiisiInta heer dowlad gobaleed oo lagu qabtay Jowhar

Jowhar- Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa magaalada Jowhar kusoo gaba-gabeysay kulan wada tashi ah oo lagu diyaarinayo qorshaha hannaanka dhab uheshiisinta heer dowlad gobaleed.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Shabeellada dhexe, Madiino Caddoow ayaa kulanka ka sheegtay inay muhiimad ballaaran u leedahay bulshada dhab u heshiisiinta.

Madiino ayaa sheegtay in aysan ku filnayan kulankan oo keliya in loo qabto bulshada, maaddaama dhibaatada Soomaaliya ku dhacday aysan yarayn, si loosoo celiyo kalsoonidii iyo is-dhexgalkii Ummadda ay lahayd.

Akhriso magacyada dadka ku guuleystay shanta kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho

Doorashada shanta kursi ee kamid ahaa 11 kursi ee gobolada Waqooyi ee dalka oo ka socotay magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay dadka kala ah;

  1. Deeqa Xasan Xuseen
  2. Cabdirisaaq Axmed Cali
  3. Naciima Xasan Xaaji
  4. Saciid Cabdi Xasan Cowke
  5. Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed Qorane

Sidaas waxaa ku soo gabagabowday doorashada aqalka sare ee Soomaaliland, sida uu ku dhawaaqay guddiga maamulaya doorashada.

Magacyada Xildhibaanada Aqalka Sare ee guuleystay shanta kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho

Iyadoo maanta ay aheyd Maalintii ugu dambeysay Doorashada kursaasta Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa waxaa goor dhow soo gabogaboobay 5-tii kursi ee ugu dambeysay.
Shantan kursi ayaa kamid ahaa 11-ka kursi ee gobolada Waqooyi ay ku leeyihiin Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Hadaba, kuraastii maanta lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho oo ay doorashadan ka dhacday ayaa waxaa kusoo baxay mudanayaashan magacyadoodu ay kala yihiin:

1- Deeqa Xasan Xuseen
2- Cabdirisaaq Axmed Cali
3- Naciima Xasan Xaaji
4- Saciid Cabdi Xasan Cowke
5- Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed Qorane
Sidaas waxaa ku soo idlaaday doorashada aqalka sare ee Soomaaliland, sida uu ku dhawaaqay guddiga maamulaya doorashada.

Boliiska Puntland oo gacanta kusoo dhigay ruux dil geystay

Ciidanka Boliiska Puntland ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan Gacan ku dhiigle toogasho ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray AUN Bootaan Axmed Bootaan oo ka tirsanaa saraakiisha Ciidanka Puntland.

Falkan lagu doogtay marxuumka ayaa waxa uu xalay ka dhacay degaanka Laanta Hawada oo ah duleedka bari ee magaalada Garoowe. Arrinkan dilka ah ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib kolkii  muran soo kala dhex galay Gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka la dilay sidaana uu falku ku dhacay.

G/Sare, Maxamed Aaden Jaamac oo ka tirsan saraakiisha Boliiska Puntland ayaa sheegay inay Gacan ku-dhiiglaha oo dhaawac ah kasoo qabteen degaanka Budanbuto ee Gobolka Nugaal.

 

Ceel Biyood cusub oo laga hirgeliyay degaanka Dhidhin oo ka tirsan maamulka Galmudug

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee maamul goboleedka Galmudug, Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa xarigga ka jaray Ceel biyood laga hirgeliyay degaanka Dhidhin ee Bariga Gobolka Mudug.

Mashruucan oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Galmudug iyo Hay’adda IOM ayaa waxaa aad u bogaadiyay dadka degaanka oo dhib weyn ku qabay helista Biyaha.

Qaar ka mid ah wax garadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay markii hore u aroori jireen Ceeldibir oo u jirta 35 km iyo Arw laa oo iyana u jirta 70 km.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyah ee maamul goboleedka Galmudug, Maxamuud Cabdi Kaarshe, ayaa u mahad-celiyay hay’adda IOM iyo cid walba oo gacan ka geysatay hirgelinta Ceel Biyoodkan.

Kursi kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee maanta lagu tartami doono oo lasiisaadaaliyey cidda kusoo bixi doonto ka hor codeynta, waa maxay sababta?

Xildhibaannada gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka kooban 11-kursi ayaa maanta Muqdisho lagu dooran doonaa 5-tii kursi ee ugu danbeeyey.

Sida lawada ogyahay waxaa maalinti shalay la doortay 6 mudane oo ka mid ah 11-ka Senitorada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matali doona 4-ta sano ee soosocda Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku kala guulaysteen:-

1- Guddoomiyihii Aqalka Sare ee mudo xileedkiisu hada dhamaaday, Senitor Cabdi Xaashi Cabdillaahi.
2- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska, Senitor Cismaan Abokar Dubbe.
3- Wasiirka Wasaaradda Dastuur, Senitor Saalax Axmed Jaamac.
4- Prof Senitor Cabdi Ismaaciil Samatar
5- Senitor Bilaal Idiris Cabdullaahi
6- Senitor Layla Axmed Ismaaciil

Shanta kursi ee hartay Waxaa ku tartami doona Musharaxiin tiradoodu gaarayso ilaa 12 mudane, 5 kamid ah Musharaxiintaas waa Dumar.
Hadaba marka la eego Kursiga 5-aad loona fiiriyo jadwalka doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ee maanta la dooran doono oo ay ku tartami doonaan Musharax Hodan Abokor Xassan Iyo Deeqa Xasan Xuseen oo ku fadhiday kursigaa 4-tii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa saamayn ku yeeshay kursi ka mid ah kuraastii shalay la doortay oo uu kusoo baxay Prof Senitor Cabdi Ismaaciil Samatar.

Arrintan ayaa loo sababaynayaa Kadib markii ay isku kursi noqdeen Prof Senitor Cabdi Ismaaciil Samatar Iyo Hodan Abokor Xasan, marka laga eego dhanka saami qaybsiga beelaha.

Taas oo ka dhigan in Senitor Deeqa Xasan Xuseen ay tahay Senitorada kaliya oo iyada oon wakhtigii codaynta la gaarin, lasii ogyahay inay iyadu kusoo bixi doonto kursigaas.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxman Maxmuud Cabdulle(Jaabiri) ayaa furay Shirka hirgelinta Waxbarshadda asaasiga ah ee Deg-deg ah (ABE) oo ay kaalmeeyo mashruuca Bar ama Baro,

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxman Maxmuud Cabdulle(Jaabiri) ayaa furay Shirka hirgelinta Waxbarshadda asaasiga ah ee Deg-deg ah (ABE) oo ay kaalmeeyo mashruuca Bar ama Baro, ayna kasoo qeyb galeen Wasaaraddaha Waxbarshadda Dowlad Goboleedyadda, Gobolka Banaadir iyo madaxa hawlgalka USAID u qaabilsan Soomaaliya, Hay’adda Creative international, Save the children fuliyayaasha Barnaamijkaan.
Shirkaaan oo socday muddo hal maalin ah ayaa diiradda lagu saaray sidii lagu hirgelin lahaay siyaasada hanaanka maamulka iyo hagidda Barnaamijka Waxbarshadda (ABE)ayna maalgeliso Mashruuca (BAR AMA BARO), sidii loo qorsheyn lahaay siyaasada hirgelinta Sanad Waxbarashadeedka soo socda ee 2022-2023, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay kulanka intii uu socday sidii looga gudbi lahaay caqabadaha kasoo laabtay hirgelintiisa siyaasadda barnaamijka BAB ee dhinacyadda kala gedisan ay kala kulmeen ,Wasaaraddaha Waxbarshadda, Gobolka Banaadir, Mashruuca Bar ama Baro iyo Ururuada Waxbarshadda ee aan Dowliga aheyn.
Wasaaradda Waxbarshadda Dowladda Federaalka ee Soomaliya, Mashruuca Bar ama Baro ayaa ku guuleystay in ay diwaangeliyaan 45000, oo arday kuwaas oo aan horey u heysan Waxbarshadda Aas-aasiga nidaamiga ah ee Sanad Dugsiyeedka Cusub 2021-2022 kuwaas oo ku kala sugan Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir, waxaana la rijeynayaa in uu Sanadka soo socda gaaro ilaa 100,000, oo arday taasi oo wax ka tari doonta kobaca Waxbarshadda ee Dadka Soomaliyeed iyo yareynta caruurta gaartay da’da waxbarashada ee ka maqan dugsiyada.
Ugu danbeyn kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa soo xiray kulanka waxaa uuna kula dar-daarmay dhinacyadda u xilsaaran hirgelinta Mashruucaan in ay dhabarka u xirtaan sidii caruurta Soomaliyeed ee aanan helin fursadaha Waxbarshadda ay uga faaiideyn lahaayeen.

wasiirka gaashaandhiga somalia oo kulan laqatay danjiraha dowlada sweden ee somalia.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Sweden Ee Soomaaliya Amb.Per Lindgarde ,kulanka ayaa ku qotomay Iskaashiga labada Dowladood Soomaaliya iyo Sweden ,Sidoo kale Waxay ka wada hadleen Sidii Dowladda Sweden ay ugu qeybgali leheed arimaha la Xariira Horumarinta iyo Taageerada Ciidanka XDS

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dhambaal hambalyo ah u diray Senaterrada ku guuleystay doorashada Aqalka sare ee BJFS

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Senaterrada ku soo baxay kamid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee BJFS kuwaas oo ku matalaya Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Waxaan hambalyo u dirayaa Senaterrada maanta ku guuleystay doorashada Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matalaya gobollada Waqooyi (Somaliland) ee kala ah:

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
  2. Saalax Axmed Jaamac
  3. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Cismaan Abokor Dubbe
  5. Layla Axmed Ismaaciil
  6. Bilaal idiris Cabdullaahi

“Waxaan ammaanayaa ergada iyo guddiyada maamulka doorashada sida xilkasnimada leh ee ay howsha u maamuleen. Waxaan rajeynayaa in doorashadu noogu dhammaato si nabdoon oo hufan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha XFS.