Wasaaradda Caafimaadka XFS oo la wareegtay Daawada Kahortagga COVID-19 oo Jaamacadda Carabta ay ugu deeqday Soomaaliya

Deeqdaan oo ka kooban 11 ton oo isagu jirta daawada kahortagga COVID-19 iyo Agabka lala isticmaalo kahortagga cudurka.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ayaa waxaa  ka qeyb galay, Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Siihaayaha Safiirka ahna Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo horey uga dalbatay deeqdan ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in daawadani la soo gaarsiiyay xilli dalku uu u baahnaa ugama mahadcelinayaan Jaamacadda Carabra.

Galmudug oo bogaadisay koboca waxbarasho ee ka jira Gobolka Mudug

Qaar ka mid ah maamulka Galmudug ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Magaalada Gaalkacyo oo lagu maamuusaayey dhiirigalinta koboca waxbarasho ee ka jira  Gobolka mudug.

Xafladdaan oo sidoo kale xarigga looga jaray furitaanka Jaamacadda Daaha International, waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha ururada bulshada.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sh Xasan, Kormeeraha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Sahal Nuure iyo Guddoomiyaha Maxkmadda C/risaaq Cali Yuusuf oo ka hadlay xafladdaasi ayaa bogaadiyay koboca waxbarasho ee ka jira Gobolka Mudug,,waxyna ku  baaqeen in laga qeybqaato dhiirigalinta waxbarashada ee dhinaca ardayda.

Sh Abuukar Xasan maalin oo ka mid ah aasaasayaasha Jaamacadda ayaa ka warbixiyay dadaalkii loo soo galay taabagalinta jaamacaddaasi iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in looga faa’ideysto.

Heerarkii ay soo martay Qabanqaabada iyo qabashada Doorashada Xildhibaanada (Somaliland) ee Aqalka Sare.

Dib u habeyntii guddiga Doorashooyinka keddib waxaa soo if-baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay dhinacyadii Guddiga Doorashooyinka oo u muuqday kuwo u kala jabsan laba garab oo kala taabacsanaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isku mari la’aa qaabka ay noqonayso doorashada xubnaha gobolada woqooyi ee aqalka sare maaddaama Doorashadooda la guda galayay xiligaa.

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka duulaya xaqiijinta hufnaanta Doorashooyinka ayaa bilaabay kulamo uu la kala qaato labada dhinac oo is marin waa’ adag uu ka dhex jiray.

Kulamada dhinacyada ay khuseysay doorashada Gobolada woqooyi ayaa bilowday 24kii Maajo, xiligaa oo kulan albaabada u xiran yahay uu dhex maray Wasiirka Koobaad ee Xukuumadda iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi, waxaa xigay kullan uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan kula qaatay Aaladda Foggaan arag qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa  kulan kula qaatay Aaladda Foggaan arag qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda Wadamada Afrika.

Maanta waxa aan ka qeybgalay shir aad iyo aad muhiim u ah oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Maamulaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay guddiga dhaqaalaha UN-ka ee Afrika, Waxa aan ka doodnay sidii looga soo kaban lahaa saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ee COVID-19, Qaarad ahaan iyo dal ahaan, Hey’adda IMF waxa ay ka taageereysaa saameynta iyo dhibaatada dhaqaalaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug

Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan,ayaa gaari kuwa shaqada ah ku wareejiyay Xisaabiyaha Gobolka Mudug.

Wasiirka oo Hawlo shaqo ujooga Maalmahan Magaalada Galkacayo Ee Caasimada Gobolka Mudug Ayaa Madaasha Wareejinta Gaadhigan Ka Sheegay in Loo Baahanyahay in la Dardargeliyo kor uu Qaadista Dakhi Gobolka Mudug Gaadhigana uu waxbadan ka Tari Doono Dakhli Aruurinta.

Xisaabiyaha Gobolka Mudug Ismaciil cabdinuur Geesey , ayaa sheegey in ay baahi-weyn u qabeen gaarigan, wuxuuna ballan qaaday in ay laba jibbaarayaan shaqada oo ay tagayaan deegaanada fog-fog, waxana uu aad ugu mahad ceshey Wasiirka, waxaana uu sheegey in dalabkooda muhiimka ahaa laga jawaabay.

Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa u Diyaarisay Goboladda Gaadid Loo adeeg sado arimaha canshuraha, si kor lagu qaado dakhliga Dowladda.

Mamaulka Gobolka Banaadir ayaa manta si rasmi ah garoonka Wiish ee magaalada Muqdisho ku daah furay tartanka kubadda Gacanta degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021

Mamaulka Gobolka Banaadir ayaa manta si rasmi ah garoonka Wiish ee magaalada Muqdisho ku daah furay tartanka kubadda Gacanta degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir 2021.

Xafladda Furitaanka oo ay si weyn u soo camreen bulshada Gobolka Banaadir ee Isboortiga jecel waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Wasaaradad Dhallinayarada iyo isboortig, Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaasha dhanka siyaasada iyo dhanka isboortiag degmooyinka gobolka Banaadir , madaxda Xiriirka kubadda Gacanta iyo marti sharf kale, waxana tartanka si rasmi ah u furay wasiirka wasaaradda dhallinayadra iyo isboortiga Xamsa Saciid Xamsa.

Kulanka Furitaanka oo ay wada ciyaaeen Degmada Hodon oo tartanka daafacanaysa iyo degmada Shingaani waxaa 29-18 ay guusha ku raacday degmada Hodon.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda

Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa kulan la qaatay maanta wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Alhaji Abubakar Jeje Odongo iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horeeyo dal ku galka labada dal.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay xaaladda Soomaalida Uganda ku nool oo ah jaaliyad ballaaran oo ka muuqata gudaha dalkan Uganda loona fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ayna ugu horeyso daganaashaha shaqada, ardaydnimada iyo IWM.

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Alhaji Abubakar Jeje Odongo ayaa isagana dhankiisa soo dhaweeyay qodobada laga hadlay isagoo xusay in dhawaan wasaaradda arrimaha dibadda Uganda kasoo saari doonto go’aano waxii maanta labada mas’uul ka wada hadleen.

Wasiiir Jeje ayaa balan qaaday in dhawaan u diri doonaan macalimiin tababar ka bixin doona machadka tababarka Diblumaasiyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa waday maalmahan kulamo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dalka Uganda, iyadoo kulamaas ujeedadooda ahayd sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Wasiir Haweenka XFS oo daahfurtay barnaamij waxtar u leh Gabdhaha Soomaaliyeed

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta daahfurtay barnaamij loogu magac daray ‘GACALO GABADHEYDAAY’ oo lagu qabtay xarunta QAMAR EE HORUMARINTA HAWEENKA waxayna sheegtay in uu muhiim u yahay barnaamijkaan guud ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha dhibaatada badan kala kulmo Gudniinka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Wasaaradaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, Wakiilka Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Barnaamijkaan waxaa ka soo shaqeeyey Ifraax Axmed iyo Ifrah Foundation, kaas oo ku soo aaday xilli baahi badan loo qabo in la hirgeliyo xaruntan.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda.

Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa kulan la qaatay maanta wasiirka arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Alhaji Abubakar Jeje Odongo iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Safiirka Soomaaliya ee Uganda iyo wasiirka arrimaha dibadda Uganda ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xariirara ganacsiga labada dal, socdaalka, tababaro la siiyo diblumaasiyiinta iyo xaaladda Soomaalida ku nool Uganda iyo amniga guud ee ee gobolka geeska Afrika iyo sameynta guddi joogta ah oo wadareed ah oo ka shaqeeya xariirka labada dal (JPC)

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Cagabaruur ayaa wasiirka kala hadlay in wax laga qabto arrinka socdaalka Soomaalida ee Uganda imaanaya iyo sidii loogu fududeen lahaa dhanka socdaalka oo ugu horeeyo dal ku galka labada dal.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay xaaladda Soomaalida Uganda ku nool oo ah jaaliyad ballaaran oo ka muuqata gudaha dalkan Uganda loona fududeeyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ayna ugu horeyso daganaashaha shaqada, ardaydnimada iyo IWM.

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Alhaji Abubakar Jeje Odongo ayaa isagana dhankiisa soo dhaweeyay qodobada laga hadlay isagoo xusay in dhawaan wasaaradda arrimaha dibadda Uganda kasoo saari doonto go’aano waxii maanta labada mas’uul ka wada hadleen.

Wasiiir Jeje ayaa balan qaaday in dhawaan u diri doonaan macalimiin tababar ka bixin doona machadka tababarka Diblumaasiyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa waday maalmahan kulamo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dalka Uganda, iyadoo kulamaas ujeedadooda ahayd sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.

Duqa Gaalkacyo oo kulan laqaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda NIS Foundation

Gaalkacyo- Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda NIS Foundation iyo madax ka tirsan Wasaaradaha howlaha guud iyo dib-u- dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay hirgelinta Waddooyin laami ah oo ay ka mid yihiin Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Oshaako iyo Isbitaalka weyn ee Koofurta Gaalkacyo.

Waxaa kaloo la isla soo qaaday sidii dhisme looga heli lahaa Waddada Astaan Golol oo dhinacyada ay isla qireen muhiimadda ay bulshada u leedahay.

Intaas ka dib waxay mas’uuliyiinta kormeer shaqo ku tageen dhismaha wejiga koobaad ee Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Oshaako iyo Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraysa.