Galmudug oo bogaadisay koboca waxbarasho ee ka jira Gobolka Mudug

Qaar ka mid ah maamulka Galmudug ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Magaalada Gaalkacyo oo lagu maamuusaayey dhiirigalinta koboca waxbarasho ee ka jira  Gobolka mudug.

Xafladdaan oo sidoo kale xarigga looga jaray furitaanka Jaamacadda Daaha International, waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha ururada bulshada.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sh Xasan, Kormeeraha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Sahal Nuure iyo Guddoomiyaha Maxkmadda C/risaaq Cali Yuusuf oo ka hadlay xafladdaasi ayaa bogaadiyay koboca waxbarasho ee ka jira Gobolka Mudug,,waxyna ku  baaqeen in laga qeybqaato dhiirigalinta waxbarashada ee dhinaca ardayda.

Sh Abuukar Xasan maalin oo ka mid ah aasaasayaasha Jaamacadda ayaa ka warbixiyay dadaalkii loo soo galay taabagalinta jaamacaddaasi iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in looga faa’ideysto.