Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan kula qaatay Aaladda Foggaan arag qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa  kulan kula qaatay Aaladda Foggaan arag qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda Wadamada Afrika.

Maanta waxa aan ka qeybgalay shir aad iyo aad muhiim u ah oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Maamulaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay guddiga dhaqaalaha UN-ka ee Afrika, Waxa aan ka doodnay sidii looga soo kaban lahaa saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ee COVID-19, Qaarad ahaan iyo dal ahaan, Hey’adda IMF waxa ay ka taageereysaa saameynta iyo dhibaatada dhaqaalaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto” ayuu yiri wasiir Beyle.