Wasiir Haweenka XFS oo daahfurtay barnaamij waxtar u leh Gabdhaha Soomaaliyeed

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta daahfurtay barnaamij loogu magac daray ‘GACALO GABADHEYDAAY’ oo lagu qabtay xarunta QAMAR EE HORUMARINTA HAWEENKA waxayna sheegtay in uu muhiim u yahay barnaamijkaan guud ahaan gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha dhibaatada badan kala kulmo Gudniinka.

Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Wasiirada Wasaaradaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, Wakiilka Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Barnaamijkaan waxaa ka soo shaqeeyey Ifraax Axmed iyo Ifrah Foundation, kaas oo ku soo aaday xilli baahi badan loo qabo in la hirgeliyo xaruntan.