Duqa Gaalkacyo oo kulan laqaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda NIS Foundation

Gaalkacyo- Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda NIS Foundation iyo madax ka tirsan Wasaaradaha howlaha guud iyo dib-u- dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay hirgelinta Waddooyin laami ah oo ay ka mid yihiin Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Oshaako iyo Isbitaalka weyn ee Koofurta Gaalkacyo.

Waxaa kaloo la isla soo qaaday sidii dhisme looga heli lahaa Waddada Astaan Golol oo dhinacyada ay isla qireen muhiimadda ay bulshada u leedahay.

Intaas ka dib waxay mas’uuliyiinta kormeer shaqo ku tageen dhismaha wejiga koobaad ee Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Oshaako iyo Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraysa.