Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixiyay horumarka dhaqaalaha dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo xafiiska ku qabtay Shirka jaraa’id ayaa ka hadlay horumarka dhaqaalaha dalka, doorashooyinka iyo maamulka dhaqaalaha ee marxaladdan kala guurka.

Wasiir Beyle, ayaa ugu horeyn sheegay in dib u habeynta dhaqaalaha uu ku socdo hannaankii loogu talagalay islamarkaana ay sababtay kor u kaca aaminaada hey’adaha dhaqaalaha dunida oo u diyaariyay deeq dhan hal bilyan oo Doolar oo loogu talagalay horumarinta mashaariicda Bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Marxaladda kala guurka iyo khilaafaadka siyaasiga ah aanay marna saameyn ku yeelan howlaha hey’adaha maaliyadda dalka oo si caadi ah u socda.

Shirka jaraa’id ee Wasiirka wuxuu sidoo kale, ku sheegay jiritaan mashruuca horumarinta dhaqaalaha iyo isku xirka wadamada Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, kaasi  oo ay ku baxayso 15 bilyan oo doolar oo badi loogu talagalay dhismaha waddooyinka.

Guulaha laga gaaray wadahadalka deyn dhaafka Soomaaliya iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda ayuu sheegay Wasiirku in ay saldhig u yihiin mashaariicda la helay.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa  tilmaamay in ay wasaaradda Maaliyadda diyaarisay Qorshaha sida joogtaa loogu bixinayo mushaaraadka shaqaalaha, ciidanka iyo qarashaadka hey’adaha Dowladda ilaa bartamaha sanadka soo socda 2022.

Ra’iisal wasaare Rooble oo guddiga doorashada Somaliland kala hadlay dardar gelinta doorashada Kuraasta Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed Khadar iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii  ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas.

Shil Gaari oo ka Dhacay wadadda xariiriso Dhagaxbuur Iyo Jigjiga.

Wararka aan ka heleyno deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka Soomaali Galbeed, ayaa sheegaya in shil Gaari oo maanta barqadii ka dhacay wadadda u dhaxeeyso Dhagaxbuur Iyo Jigjiga  uu ku dhintay hal qof, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob-joogayaal ayaa noo sheegay in shilkan uu ka dhashay Gaari nooca raaxada ah oo rogmaday, waxaana la sheegay in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwo halis ah.

Dadkii ku dhaawacmay shilka ayaa hadda lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Doorashada Golaha Shuurada oo ka bilaabatay Qadar

Doorashada Golaha Shuurada Qadar oo ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah ayaa saakay ka bilaabatay halkaas, taas oo ay ku tartamayaan 284 musharrax, kuwaa oo laga dooran doona 30 qof oo kaliyah.

Doorashada Golaha Shuurada Qadar ayaa ka dhaceyso 30 degmo, ololaha doorashadu ayaan ku koobneen goobaha Codbixinta dadweynaha wareegay labaad ayaa sida uu qorsha yahay ka dhacayaa baraha bulshada, halkaas oo noqoneysa fagaaraha lagu falanqeeyo Doorashada Golahan.

Musharaxiintan ayaa waxaa ku jiraan 28 haween ah, kuwaa oo doonaya in ay ku guuleystaan qaar ka mid ah ​​30-kan kursi.

Dardar galinta doorashada Golahan ayaa sida lasheegay ka yimid Amiirka Dawladda Qadar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani.

Ololaha doorashada oo bilaabmay bartamihii Bishii Sebtembar ee tagtay ayaa socotay  muddo laba toddobaad ah, taasi oo maanta si rasmi ah u bilaabatay.

Wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle oo Bulshada uga digtay soo laba kacleynta Cudurka Covid-19

Wasiirka wasaarada Caafmaadka Dowlad Goballeedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Muxumed oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Xanuunka COVID-19 uu ku fidayo deegaano ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday deegaanka Far-Libaax oo ah halka ugu daran ee Caronaha dad badan kusoo riday qaarna ay ugu geeriyoodeen inkastoo tirakoob rasmi ah wasaaradda aysan soo gudbin oo ay sheegtay in baaritaano dheeraad ah ay wado.

Sidoo kale, Wasiirka caafimaadka maamulka Hirshabeelle Cabdi Macalin Muxumed ayaa Bulshada ugu baaqay inay ka taxadiraan Covid-19 oo markale kusoo laabtay Dalkeenna.

WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN XIISADDA GALMUDUG

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.

Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan .

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

Dad muhaajiriin ah oo lagu xiray Liibiya

Qoraal uu soo saaray agaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee dalka Liibiya Dax Roque, ayaa ka warbixiyay xarig wadareed loo geeystay 500 oo muhaajiriin ah oo Jimcihii lagu xiray magaalada Tripoli.

“Waxaan ka naxay wararka sheegaya qabqabashada dadka tirada badan ee muhaajiriinta ee Tripoli. Waxaan maqleynaa in ka badan 500 oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, la uruuriyay, si sharci darro ahna loo xiray, waxayna halis ugu jiraan xadgudub iyo in loola dhaqmo si aan habbooneyn” ayuu lagu yiri warbixin uu soo saaraay Dax Roque, oo ahagaasimaha Hay’adda Qaxootiga Norway ee Dalka Liibiya.

Muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Liibiya, gaar ahaan kuwa aan haysan deggenaanshaha sharciga ah ee dalkaas, ayaa inta badan halis ugu jira xabsi aan loo meel dayin, jirdilka, tacaddiyada galmada, iyo baadda oo aad ugu badan xarumaha dadka lagu hayo ee Liibiya.

“Waxaan rumaysanahay in mowjaddan ugu dambaysa ee qabqabashadu ay qayb ka tahay cadaadiska ballaaran ee maamulka Liibiya ku hayo muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Liibiya” ayuu bayaankan sii raaciyay.

Hay’addan ayaa sidoo kale ugu baaqday,mas’uuliyiinta Liibiya inay si deg -deg ah u sii daayaan dadka xiran isla markaana ay joojiyaan cadaadiska ka dhanka ah muhaajiriinta iyo qaxootiga., waxayna wadamada xiriirka la leh Liibiya, gaar ahaan dowladaha Yurub ugu baaqeen inay kale kor u qaadaan dib -u -dejinta qaxootiga ku sugan Liibiya.

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan go’aanka Itoobiya ee lagu ceyriyay 7-sarkaal

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dalka laga saaro toddobo sarkaal oo oo ka tirsan Qaramada Midoobay,sidda lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda maalinimadii khamiista.

Grant Leaity, ku -xigeenka isku -duwaha arrimaha bani’aadanimada ee OCHA, iyo Adele Khodr, oo ah wakiilka UNICEF ee Itoobiya, ayaa ka mid ahaa kuwa la eryay.

Xukuumadda Itoobiya ayaa saraakiiisgaasi ku eedeeyay in ay wadeen faragalin,waxayna u aqoonsatay in ay yihiin kuwo aan u qalmin shaqada ay u hayaan Qaramada Midoobay( persona non grata).

Dowladda Itoobiya waxay amar ku bixisay in muddo 72 saac gudohood ah ay ku baxaan  shaqaalahaasi ka tirsan Qaramada Midoobay .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ka naxay cayrinta saraakiishaasi,sida uu ku waramay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay.

WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN XIISADDA GALMUDUG

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.

Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan .

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

DHAMMAAD