Wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle oo Bulshada uga digtay soo laba kacleynta Cudurka Covid-19

Wasiirka wasaarada Caafmaadka Dowlad Goballeedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Muxumed oo maanta shir jiraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in Xanuunka COVID-19 uu ku fidayo deegaano ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday deegaanka Far-Libaax oo ah halka ugu daran ee Caronaha dad badan kusoo riday qaarna ay ugu geeriyoodeen inkastoo tirakoob rasmi ah wasaaradda aysan soo gudbin oo ay sheegtay in baaritaano dheeraad ah ay wado.

Sidoo kale, Wasiirka caafimaadka maamulka Hirshabeelle Cabdi Macalin Muxumed ayaa Bulshada ugu baaqay inay ka taxadiraan Covid-19 oo markale kusoo laabtay Dalkeenna.