Ra’iisal wasaare Rooble oo guddiga doorashada Somaliland kala hadlay dardar gelinta doorashada Kuraasta Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed Khadar iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland) oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii  ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas.